U bood dhigaalka

Professor Cabdikariin Daa’uud Oo Ka Hadlay Doorashada Xilligaan Dalka Ka Dhici Karto Hadii La Waayay Qof Iyo Cod

Sheeko:Dalka

Professor Cabdikariin Daa’uud oo cilmiga siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Muqdisho ayaa sheegay in wax la’iska ogaa ay ahayd in dalka doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhacayn sanadka 2016-ka, isaga oo tilmaamay in hadda dowladda arimo badan looga baahan yahay.

Waxa uu sheegay maadaama wixii loo baahnaa 2016-ka aysan dhacayn in dowladda laga doonayo in talo wadaag ay sameyso oo ay la tashtaan shacabka iyo sidoo kale maamulada jira, ayna weydiiso hanaanka doorasho loo qaban karo iyo waxa hadda la gudboon.

“Waxaan dhihi karnaa Laba siyaabood wey dhici karaan, talo ayaan dhaweyd qolada madasha ay soo jeedisay waa looga gudbi karaa, qaab xisbiyeed inta loo sameeyo doorasho isku miisaaman waa la sameyn karaa, waxaa kale oo la yeeli karaa, dalka hadda dowlad gobaleed uu kala yeeshay, dowlad gobaleed kasta inta soo tashato inay la timaado golaheeda baarlamaanka iyo inta la sameeyo hab la raacayo lana yiraahdo hala soo xulo qof tayo oo maanta marxaladda dalka wax ka bedali kara” ayuu yiri Professor-ka.

Dhinaca kale Professor Cabdikariin Daa’uud ayaa mar uu soo hadal qaaday nidaamka xisbiyada waxa uu sheegay in weli aanu jirin sharcigii axsaabta, dowladda agteedana aysan ka sharciyeesneen xisbiyada.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in uu ka aqoonyahan ahaan isaga uu doorbidi lahaa maadaama 2016 aysan dalka ka dhaceyn doorasho qof iyo codkeeda ah in dalka loo keeno shaqi karti leh oo maanta dadka wax u qabta.

Goobjoog News