U bood dhigaalka

Shirweynaha Saxafiyiinta Bariga Afrika oo Qabsoomey iyo Hoggaan La Doortey

Sheeko:Dalka

Shir aan Caadi ahayn oo ay isugu Yimaadeen Dalalka ku mideysan Ururka Suxufiyiinta Bariga Africa ee loo EAJA oo ay ka mid yihiin; Somalia, Djibouti, Uganda, Tanzania, Seychelles, Rwanda, Burundi, Ethiopia and Eritrea oo Nairobi ka socday 30-kii iyo 31-kii Luulyo, 2015-ka ayaa maanta lasoo Gabagabeeyay.

Shirka oo ujeedadiisu ahayd sidii oo loosoo Afmeeri lahaa khilaaf sanad ah soo jiitamayay oo ku dhex-jiray urur-goboleedka, kaasoo la xiriira Hoggaanka EAJA, kaasoo dhaawacay magacii ururka. Iyadoo dhanka kale lagu doortay shirweynahan Hoggaan cusub oo Ururka Hoggaamin doona.

Shirweynahan oo ay Marti-gelineyeen Ururrada Suxufiyiinta ee Kenya ee KCA iyo KUJ Waxaana soo Abaabulay shirkan ururka Suxufiyiinta Afrika iyo Xafiiska Afrika ee Ururka Suxufiyiinta Caalamka ee IFJ, iyadoo dhaqaalahana ay ka Taageereen deeq-bixiyaal dhowr ah oo ay ku jirto Safaaradda dalka Canada ee Magaalada Nairobi.

Ugu horreyn waxaa furitaankii shirweynaha ka hadlay Guddoomiyaha ururka wargeysyada Kenya ee Correspondents Association (KCS), Wiliam Oloo Janaak & Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Kenya (KUJ), Eric Oduor oo Marti-gelinayay Shirka.

Guddoomiyaha Ururka FAJ, Maxamed Garba oo hadlay ayaa qiray in dhibaatooyin adag ay haystaan Suxufiyiinta Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin, xarig, dil, dhibaateyn IWM, isagoo tilmaamay in dhibaatadaas looga gudbi doono Midnimo. Waxaa kale oo shirka kasoo qeyb galay Wakiillo ka socdo safaarada dalka Canada ee Nairobi, Hay’adda FES oo labaduba dhaqaalaha ka taageerayay shirka, xoghayaha fulinta ee Golaha Qareenada Caalamiga ah (ICJ) iyo weliba xoghayaha fulinta ee Golaha Warbaahinta Kenya.

Sidoo kale, labadii maalmood ee uu shirku socday waxaa goobta lagu shaaciyay buug ay soo saaristiisa iska kaashadeen ururka suxufiyiinta Bariga Afrika iyo Kan Afrika oo lagu magacaabo Investigative Journalism and Corruption.

Ugu dambeyn, kasoo Qayb-galayaasha Shirka oo metelay 11ka Wadan oo Bariga Afrika ayaa waxay doorteen Hoggaan Cusub, iyadoo Doorashaduna ay u dhacday hab-cadaalad ah. Waxaana Guddoomiyaha EAJA loo doortay, Abraham Antenneh  oo u dhashay dalka Itoobiya, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa loo doortay, Eric Oduor oo Kenya u dhashay, Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa loo doortay Aisha Youssouf oo Jabuuti u dhalatay, Xoghaye Guud ayaa loo doortay Mr Alexandre Niyungeko oo Burundi u dhashay, Dhaqaale-hayaha ayaa waxaa loo doortay Saphia Ngalapi oo dalka Tanzania u dhalatay, La taliye ayaa loo doortay Stephen Ouma Bwire oo Uganda u dhashay iyo La-Taliye oo doortay Maureen Mudi oo Kenya u dhalatay.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Afrika ee FAJ, Maria Luisa Rogerio, oo ahayd shir-guddoominka intii doorashayooyinka socdeen, ayaa doorashada kaddib shir-guddoonka wareejisay.

Si kastaba ha ahaatee, Qabsoomidda Shir-weynahan iyo Doorashada Hoggaanka Cusub ee EAJA ayaa wax badan ka bedeli doonta Hawlaha Ururka u Qabanayo Waddamada uu sida tooska ah u metelo. Iyadoo dalka Sudan uusan shirkan ka soo Qayb-gelin.

Goobjoog News