U bood dhigaalka

Xisbiyadda Siyaasadda oo Madaxda Dalka Ku Eedeeyey In ay Doonayaan Muddo Kororsi

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah xisbiyadda siyaasadda ayaa shaki ka muujiyey damaca dhabta ah ee dowladda federaalka iyo madaxdeeda, waxayna sheegeen in ay doonayaan in ay mudada kororsadaan.

Cabdiqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) guddoomiyaha xisbiga Kulan, kana mid ah madasha xisbiyadda oo ka hadlayay barnaamijka Jimcaale ayaa sheegey in uu xildhibaano badan ka maqlay iyaga oo hadal haya in dowladda iyo baarlamaankaba muddada loo kordhinayo.

“Taasi wax la yeeli karo ma ahan , shacabka Soomaaliyeedna waa in uu ka tashadaa” ayuu yiri Cabdiqaadir Barnaamij oo sheegey in xisbigooda ay qabaan in la sameeyo doorasho ka balaaran tii 2012-dii, taasi oo halkii xildhibaanba ay soo dooranayaan 100 ergo.

Dhawaan madaxda dowladda ayaa sheegey in sanadka 2016-ka aysan dhici karin doorasho qof iyo codkiis ah, taasi badalkeedana la gali doono tashi dalka oo dhan ah oo ah qaabka ugu habboon ee doorasho lagu qaban karo.

Goobjoog News