U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Ku Dhawaaqay In 15-ka Bishaan La Qabnayo Doorashada Madaxweynaha Ee Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa goor dhaw ku dhawaaqay in 15-ka bishaan magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaankaasi Sheekh Cabdi oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu ansixinayay Dastuurka Jubbaland ayaa sheegay in doorasho la qabanayo bishaan Bartamaheeda.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo guddiga doorashada Jubbaland oo isku daba ridi doono howlahaan doorashada ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa dooran doona madaxweynaha maamulkaasi.

 

Goobjoog News