U bood dhigaalka

Deegaanada Puntland Oo Maanta Looga Dabaaldegayo 17-Sano Guradii Aas Aaska Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Guud ahaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland ayaa maanta waxaa looga dabaal degayaa 17-sano guuradii kasoo wareegtay markii maamulkaasi dhidibada loo taagay.

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa u dabaaldegga maalintaan, waxaana magaalada lagu xardhay calanka Puntland iyo sawirro ka tarjumaya maalintaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si horudhac ah waxa uu shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda maalintaan.

Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Puntland waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo ammaanka suga, kuwaasi oo la sheegay in munaasabaddaan awgeed loo keenay magaaladaasi.

1-dii August sanadkii 1998-dii waxaa dhidibada loo taagay maamulka Puntland, waxaana maanta u dabaal degayaa shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi 17-sano guurada kasoo wareegtay dhismaha Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News