U bood dhigaalka

Wejiga Koowaad Ee Gurmadka Qaxootiga Yemen Oo Lasoo Gabagabeeyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo gabagebeeyay Wejigii Koowaad howlgalkii lagu badbaadinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman, iyadoo loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee howlgalkaasi.

Fadhi ay maanta ku yeesheen magaalada Boosaaso gudiyada badbaadinta qaxootiga soomaaliyeed oo uu horkacayay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa hadalkaas lagu shaaciyay.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan yabooha dhaqaale uruurinta maadaama howlgalka nafbadbaadinta ah ee qaxootiga Soomaaliyeed loogu gurmanaayo uu sii socon doono, isla markaana loo baahan yahay in loo sii diyaar garoobo maadaama howlgalka wejigiisa Koowaad ay ku baxday inta badan lacagtii dadka Soomaaliyeed ay yabooheen.

Dhinaca kale gudiga badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Boosaaso gaaray ayaa gudiga kale ee gurmadka kawada Boosaaso ku wareejiyay lacag gaaraysa Lixdan iyo Sagaal Kun iyo Laba Boqol oo Dollar oo loogu talagalay in lagu anba bxiyo dadkii ugu danbeeyay ee Yeman laga soo badbaadiyay.

Dadkii ugu danbeeyay ee markab Nawaal 3 uu magaalada Boosaaso keenay tiro ahaanna gaarayay  Labo Kun, Shan Boqol iyo Afartan iyo Seddex qof ayaa isla shalay waxaa la anba bxiyay Shan Boqol oo Qof kuwaas oo la saaray gaadiid geynaya halkii ay doonayeen iyadoo loo dhameystiray sahaydii jid markooda ilaa ay wadada ku sii jiraan

Guddiga ayaa ugu dambeyn sheegay in dadka ku jira xerada nasiinyada ay sida ay Laba Maalin gudahooda ugu kala diri doonaan gobaladooda.

Hoos ka daawo sawirada

DSC05685 DSC05688 DSC05689 DSC05692 DSC05694 DSC05697 DSC05699 DSC05701 DSC05706 DSC05713 DSC05715 DSC05717 DSC05719 DSC05722

Maxamed Salaad Cismaan

Goobjoog News

Boosaaso, Bari

Mawduucyada:Gobollada