U bood dhigaalka

Heshiiskii Maalgashiga Beeraha ee Masar iyo Soomaaliya oo Hiiraan Laga Fulinayo

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan gaaray wafti balaaran oo ka socda dowladda Masar oo uu hoggaaminayo qunsulka guud ee Masar u fadhiya Soomaaliya Cali Bashiir Dhaaxa , kana midyihiin mas’uuliyiin ka socota dowladda Masar, iyada oo uu wehlinayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay qorshaha ay waftiga u socdaan ayaa yiri “Waxaa ka mid ah dhismaha isbitaal weyn oo ay ka howlgali doonnaan dhaqaatiir Masaari ah, Iskuul waxbarasho oo ay her-galin doonto Jaamacada Al-Azhar, waxaa siddoo kale ka mid ah mashaariic lagu hormarinayo beeraha iyo kuwa kale oo badan.”.

Sida uu sheegey mas’uul u hadlay hey’adda Masar Kheyri Maxamed Qandaawi , waxyaabaha kale ee ay qabanayaan in ay ka midtahay gargaar loo fidiyo dadka ku barokacay gudaha gobolka Hiiraan , gaar ahaan in dib u dajin loo sameeyo.

Heshiiska Masar iyo Soomaaliya

Dhamaadkii bishii May ee sanadkani waxaa dalka Masar booqasho ku tagay labo wasiir oo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu ka midyahay wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Xuseen Ciid , waxayna heshiis xagga maalgashiga beeraha la saxiixdeen dowladda Masar.

????????????????????????????????????
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid iyo Wasiirka Beeraha Masar Dr Saalax

Heshiiska Waxaa Masar u saxiixay wasiirka Beeraha Masar Dr. Saalax Hilaal, wuxuuna heshiiska dhigayaa in Masar Soomaaliya laga siiyo dhul beereed dhan 9 milyan oo Hiktar oo ay maalgashtaan iyo sidoo kale maalgashi xagga kalluunka ah.

Heshiiskani ayaa waxa uu hadda qeybtiisii koowaad fulintiisa ka biloowmayaa gobolka Hiiraan, halkaasi oo waftiga maanta tagay ay soo qiimeynayaan dhul beereedka gobolkaasi iyo meelaha ku habboon in wax soo saar laga sameeyo.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Baladweyne, waxa qunsulka Masar uu sheegey in dowladda Masar ay go’aansatay in 25 kun oo xoolo ah ay sanad kasta ka iibsato gobolka Hiiraan marka la gaaro bisha Carafo , tanina ay ugu wacantahay kadib markii dalal kale oo xoolo u dhoofin jirey Masar ay arrintaasi joogsatay.

Gobolka Hiiraan waxa uu leeyahay dhul beereed balaaran oo intiisa badan aanan laga faa’iideysanin kaasi oo dowladda Soomaaliya ay u baahantahay in maalgashi lagu sameeyo, laakiin lama oga wadada arrintaasi loo marayo sida ay noqoneyso iyo faa’iidada ugu jirta Soomaaliya.

Heshiisyo kale oo ay dowladda gashay sida kan lala galay shirka SOMA Oil and Gas ee Ingiriiska laga leeyahay ayaa hadda farta lagu fiiqayaa, waxaana Ingiriiska ka furmey dacwad musuqmaasuq oo shirkaddani lagu soo oogey.

Xagga kalluunka dowladda Soomaaliya waxa ay heshiis sanado badan la gashay shirkad kale oo Ingiriiska laga leeyahay oo lagu magacaabo Fish Guard.

Balse waa markii ugu horeysey oo ay heshiis ka gasho xagga beeraha.

Goobjoog News