U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bisha Luuliyo 2015

Waa markale iyo qormadeenii billaha ahayd ee aan ku tirakoobeyney dadka sida sharci darada ah loogu diley gudaha Soomaaliya, waxaanan qoraalkani kusoo bandhigeynaa inta soo gaartay Goobjoog News.

Waxaa jira jira dilal kale oo kuwan ka badan oo dalka ka dhacay balse aanan soo gaarin Goobjoog ama aysan xaqiijin karin, waxaana ugu wacan duruufaha dalka ka jira oo dhinacyada dagaalamay aysan sheegin qasaaraha dhacay, dowladdana aysan marnaba bixinin tirakoob ah sax ah ee shacabka la waxyeeley.

Sida aan marar badan sheegneyba qormadani ujeedkeedu ma ahan in cid gaar ah lagu bartilmaameedsado, balse waa diiwaan nool oo quseeya gabood falada shacabka laga galo, si haddii ay timaado cid la xisaabtamaysa ama nidaam caddaalad ah loo horgeyn karo.

Dilalka bishan dhacay waa kuwii ugu badnaa, waxaana xusid mudan in kooxihii horey shacabka wax u yeeleyn jirey ay markani kusoo biireen ciidamada AMISOM oo si ula kac ah dad shacab ah toogasho ugu diley magaalada Marka ee Shabeelada Hoose.

Inta hadda diiwaankeena ku jirta waa 159 dhimasho ah, oo 30 ka mid ah lagu eedeeyey in ciidamada AMISOM ay dileen, halka 74 la dhaawacay, waxaase suurogal ah in dhaawaca uu intaasi aad oga badanyahay.

Ma jirto ama aad ayay u yartahay cid loo maxkamadeeyey ama loo raacdey dadkaasi tiradaasi la’eg ee la diley mudada bisha gudaheed ah.

Dadka la diley inkasta oo ay u badanyihiin dad shacab ah, haddane waxaa ku jira ciidamada dowladda, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka hayay dalka oo uu ka midyahay hal xildhibaan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ka bogasho Wacan

July 1, 2015: Cabdi Gaab oo ka tirsanaa oday dhaqameedka Afgooye ayaa lagu diley isla Afgooye goor habeen ah .

July 1, 2015: Dableey hubeysan, ayaa xili habeen ah weerartay Masaajid ku yaala xaafadda Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, xilli Masaajidkaasi laga tukanaayay Salaaddii Cishaha ahayd.

Masaajidka oo lagu magacaabo Barre Xeyle, ayaa xilligii la weerarayay waxaa ku tukanaayay laba ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Dayniile, oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamed Sabriye iyo Cabdi Macalin Maxamuud. Waxaana weerarka lagu dilay Nabadoon Cabdi Macalin Maxamuud, halka uu ku dhaawacmay Nabadoon Ibraahim Maxamed Sabriye.

Waxaa kaloo weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray Imaamkii Masaajidka, oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Xasan, iyadoo nin kale oo dhalinyaro ahaa uu isna ku dhaawacmay. Ninkaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Maxamed.

July 2, 2015: Koox hubeysan ayaa Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku diley Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu dilka ka dhacay meel u dhow Masaajidka Abuu Hureyra.

July 5, 2015: Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad  Suggida Soomaaliya C/casiis C/qaadir Xabiib ayaa lagu dhaawacay qarax loogu xiray Baabuurkiisa oo maanta ka dhacay Degmada Xamar jajab, gaar ahaan halka loo yaqaano Ex Shaneemo Afrika.

July 5, 2015: Kooxo hubeysan ayaa qof haweeney ah oo ah kuwa hilibka iibiya ku diley Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.

July 7, 2015: Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa rasaas uu furey waxaa ku dhintey 7 qof shacab ah, 20 kalana dhaawacay meel suuq ah magaalada Baydhabo.

July 7, 2015: Qarax khasaaro geystay ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho,Degmada Kaaraan, lama hubo inta uu la egyahay qasaaraha.

July 8, 2015: Kooxo hubaysan ayaa waxa ay Degmada Afgooye  ku dileen Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed,

July 8, 2015: Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ka bad-baaday qarax gaarigiisa loogu xiray Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, C/xakiin Sheekh Maxamed Haaddi waa Agaasimaha Waaxda Diriseynta Maamulka Gobolka Banaadir.

July 9, 2015: Kabtan Mowliid Xuseen Axmed (Dhuubow) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo hal qof oo ilaale u ahaa ayaa waxaa lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

July 9, 2015: Kooxo hubaysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka.

July 10, 2015: Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu diley Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

July 10, 2015: Labo weerar oo mataano ah oo ay u muuqatay in hal meel laga hagayay ayaa lagu qaaday labada hoteel ee kala Siyaad iyo Weheliye, 18 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawaca uu kor u dhaafay 16 sida ay Goobjoog News u xaqiijisay Agaasimaha Madina Hospital.

July 11, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa 2 qof oo rayid ah toogasho ku diley magaalada Marka, Shabeelada Hoose.

July 12, 2015: 3 Askari ayaa ku dhimatay iska hor imaad Kismaayo ku dhex maray ciidamada wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubba iyo kuwa Nabad sugidda.

July 12, 2015: Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah, ayaa ku dhimatay duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyen deegaano dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Dhammaan dadka dhintay, ayaa ahaa shacab. Dugsi Qur’aan ku yaala Deegaanka Nus-dariiqa, ayaa waxaa ku soo dhacay gantaal, waxaana la soo sheegayaa in ay ku dhimatay ugu yaraan shan cunug,

July 12, 2015: Koox hubeysan ayaa degmada Dharkeenley ku diley xoghayihii degmada Kaxda Bile Axmed Abukar iyo Laba ka mid ah Ilaaladiisa.

July 16, 2015: Diyaarad dagaal oo aan la garanayn dalka laga lee yahay, ayaa waxay duqeymo ka fulisay Deegaanka Juungal, oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ugu yaraan labo Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa in duqeynta lagu dilay, waxa ay ka dhacday duqeyntaan duleedka degmada Baardheere,

July 20, 2015: Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalay Bay iyo Bakool gaar ahaan Raamo cadey iyo Iidaale, 50 qof oo shacab ah ayaa la sheegay in dagaaladaas ku dhinteen.

July 21, 2015: Sarkaalka ka tirsan ciidanka nabad sugidda oo lagu magacaabo Cabdqadir Xuseen Geelle ayaa lagu dilay degmada Hodan, Banaadir.

July 21, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa qof rayid ah ku dilay, qof kale oo rayid ahna ku dhaawacay deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho

July 21, 2015: 12 qof ayey Ciidamada AMISOM ku dileen xaafado ku yaalo Magaalada Marka, Shabeeladda Hoose, laakiin guddoomiya Marka ayaa sheegay in lix qof dhimasho ah iyo shan dhaawac ah.

July 21, 2015: Weerar gaadmo ah ayaa ka dhacay agagaarka Shalanbood ee Shabeelada Hoose kaas oo lagu qaaday ciidanka dowladda, 5 qof ayaa ku dhintay.

July 25, 2015: Askari ka tirsan Ciidanka Militariga oo lagu magacaabo Maxamed Cali Juungal ayaa xaaskiisii Faaduma C/laahi Cali, wuxuu ku dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu askarigu tagey Saldhiga Booliska Jowhar, ka dib dilka. Waxa ay ka mid ahayd haweenka qaadka iibiya, waxayna ka tagtay 4 caruur ah.

July 25, 2015: Ruux ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabo Siciid Cali Saalax ayaa saaka lagu dilay Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, xilli uu ku sii wajahnaa goobtiisa shaqada.

July 25, 2015: Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay duqeyn ka dhacday Buurhakaba, gobolka Bay. diyaarad dagaal ayaa waxay ay duqeymo dad badani ay ku dhinteen ka fulisay deegaanka Dalandoole Ee Duleedka Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Baay.

July 25, 2015: Xildhibaan C/laahi Xuseen Maxamuud Baantu ayaa lagu dilay Muqdishu. Xildhibaanka ayaa isla bishaas gudaheeda badalay aabihiis Xildhibaan Xuseen Baantuu oo tii rabbi u timid.

July 26, 2015: Labo qof ayaa ku geeriyoodey qarax ka dhacay deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 5-ruux oo dhamaantood shacab ahaa sida uu sheegey taliyaha Maxaad Muumin Maxamed Saneey.

July 26, 2015: Ugu yaraan 15 qof oo rayid u badnaa, ayaa ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa oo lagu qaadey Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho. Waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al Shabaab.dad 30 ka badan ayaa ku dhaawacmay.

Maxamed C/kariin oo Telefishinka Universal uga soo warami jiray Gobolka Gedo, ayaa ka mid ahaa dadkii maanta ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee lagu qaaday Hotel Jazeera Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo weerarkaasi dadkii ku dhaawacmay ka mid ahaa Madaxii Wararka Telefishinka Universal Ee Magaalada Muqdisho, Salmaan Jamaal Saciid, oo xilligii weerarku dhacaayay ku sugnaa Hotelkaasi.

July 27, 2015 : Hal qof ayaa ku dhintey qarax ka dhashay waxyaabo lagu soo rakibay gaari noociisu Kaarib yahay oo ku qarxay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

July 31, 2015: Ciidamada AMISOM ayaa illaa 6 qof toogasho ku diley magaalada Marka ee xarunta Shabeelada Hoose, waxaa dadka la diley ka mid ah aabbe iyo caruurtiisa.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Dilalka