U bood dhigaalka

Taliye Ku Xigeenka Koowaad iyo Kan Labaad ee Booliska oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto xafiiskiisa kasoo baxday ku magacaabay taliye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Xaflad lagu shaaciyey magacaabista ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha booliiska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Labada mas’uul ee cusub ayaa lagu kala magacaabaa Mukhtaar Xuseen Afrax oo loo magacaabay taliye ku xigeenka koowaad iyo Bashiir Cabdi Maxamed taliye ku xigeenka labaad.

Madaxweynaha ayaa magacaabista u cuskaday dastuurka oo siinaya awoodda magacaabista taliyeyaasha ciidamada iyo ku xigeenadooda.

Goobjoog News

General Mukhtaar