U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Xabsiga Kasii Deysay Wariyayaal u Xirnaa

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa xabsiga kasii daayay Lix wariye oo in ka badan 24-saac ugu xirnaa xabsi ku yaalla degmadaasi.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in wada hadal ay la galeen saraakiisha Ahlu-sunna, iyadoo ugu dambeyn laga dhaadhiciyay in wariyayaashaan ay si damaanad ah ku daayaan.

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in wariyayaashan Maxkamad la saarayo, inta kahoreysana si damaanad ah ay magaalada kusii joogi karaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Wariye Maxamed Deeq Cabdi oo ka mid ahaa saxafiyiinta xirnaa uu xabsiga ku dhex xanuunsaday, isaga oo waliba Miir beelay, taasina ay keentay in Isbitaal la dhigo.

Wariyaasha xirnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen.

  • Maxamed Deeq Cabdi Maxamed
  • Bashiir Sanka
  • Cabdi Jamaal Macalin Axmed
  • Cabdullaahi Warsame Rooble
  • Nafiso Xersi Oogle
  • Leylo Nuur Cilmi

Ahlu-sunna ayaa horay deegaanada ay ka arimiso waxa ay xarig ugu geystay saxafiyiin dhowr ah.

Goobjoog News