U bood dhigaalka

Nus Malyuun Doolar, Waa Lacagta Lagu Heysto SOMA Oil in Ay Laaluush u Bixisey

Sheeko:Caalamka

Faahfaahintii ugu horeysey ayaa kasoo baxaysay dacwad musuqmaamusuq oo xafiiska dambiyada daran ee lacago isdabamarinta UK uu kusoo oogey shirkadda SOMA Oil and Gas ee qandaraaska la gashay dowladda Soomaaliya.

Sida uu faafiyey wargeyska Financial Times, $580,000 doolar ayay shirkadda SOMA ku bixisey wasaaradda batroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ee iyadu heshiiska la saxiixatay shirkadda, lacagtani oo loogu magac bixiyey in ay tahay sare u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha wasaaradda.

Tusaale ahaan heshiis ay wada galeen shirkadda iyo wasaaradda waxa uu dhigayaa in wasaaradda loo tababaro illaa 6 shaqaale, oo midkiiba mushaar ahaan uu u helayo $5,000 doolar, iyada oo qofka ugu mushaar sareeya ee shaqaalaha caadiga ah wasaarada Soomaaliya waa $1,000 doolar.

Saraakiil u hadashay kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laakiin magacooda qariyey ayaa sheegey in lacagtaasi aysan kaliya ku bixin shaqo wanaagsan oo loo qabtay wasaaradda, balse ay ahayd mid lagu laaluushey saraakiisha sarsare.

Warqad ku asteeysan bishii April 2014 oo ay SOMA u dirtey wasaaradda, islamarkaasina uu arkay wargeyska Financial Times, waxa ay dhigeysaa in shirkadda ay wasaaradda siineyso illaa $400,000 oo lacag caddaan ah oo kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda, taasi oo hadhoow shirkadda ay ka goosan doonto marka shidaalka lasoo saaro.

Qof u dhow shirkadda ayaa wargeyska u sheegey in $180,000 doolar oo dheeraad ah la bixin doono si loo kordhiyo waqtigii mushaar bixinta ee lagu heshiiyey oo dhamaanaya, lana gaarsiiyo illaa bisha September ee sanadkani.

“Wax suurogal ah ma ahan in aad bixiso mushaarka shaqaalaha wasaarad, iyaguna yihiin kuwii kula gorgortamayay, waxay noqoneysaa arrin iska hor imaanayso” ayay yiri qof u hadlay hey’adda Global Witness, Barnaby Pace.

Dowladda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtey in ay ka wargeyso dacwadda lagu furey SOMA , islamarkaasina ay wadashaqayn la yeelan doonto baarayaasha Britain haddii laga codsado, iyada oo sidoo kale sheegtey in aysan dhicin wax isdabomarin ah iyo laaluush.

Goobjoog News