U bood dhigaalka

Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta Oo Qirtay In Ay Ka War Hayso Baaritaanka Lagu Hayo Shirkadda Soma Oil & Gas

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay qireysaa in uu jiro baaritaan eedeymo oo ay Xafiiska Baarista Wax-isdabamarinta ee UK (Serious fraud office) ku bilowday Soma oil & gas Exploration Limited (SOMA) islamarkaana Wasaaraddu waxay diyaar la tahay wada shaqeyn buuxda oo arintan ku saabsan haddii laga codsado.

Wasaaradda waxay qireysaa in ay April 24 2014 la saxiixatay heshiis shirkadda SOMA kaas oo ahaa in Shirkaddu ay ka caawiso Wasaaradda in ay kobciso awoodeeda waxqabad si ay u fuliso howlaha loo xilsaaray.

Heshiiskaasi Halkaan ka Akhriso

Soo kabashada dhaqaalaha waxay muhiim u tahay xasiloonida dalka. Keydadka shidaalka iyo gaaska Soomaaliya waa hanti qaran oo ay tahay in la isticmaalo taas oo ay danta qaranku ku jirto, waxaana naga go’an inaan hadafkeena ku gaarno wada shaqeyn & musuq musuq la’aan.

DHAMAAD

Mawduucyada:Shidaal