U bood dhigaalka

Baarlamaanka Jubbaland Oo Kasoo Horjeestay Dalabkii Axmed Madoobe Ee Dib u Dhigista Doorashada (Sawirro)

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, waxaana kulankaan cod lagu geliyay dalab dhawaan ka yimid Madaxweyne Axmed Madoobe, kaasi oo ahaa in dib loo dhigo waqtiga la balamiyay in ay dhacdo doorashada Jubbaland.

Mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland ee codeeyay tiro ahaan ayaa gaarayay 57 mudane,waxaana dalabka Axmed Madoobe kasoo hor jeestay 55 xildhibaan, halka Labada kale ay codsigiisa taageereen.

Guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada, isaga oo sheegay in doorashada Jubbaland ay dhici doonto waqtigii horay loo qabtay ee ahayd 15-ka bishaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka codsaday Baarlamaanka Jubbaland in ay dib u dhigaan xilliga ay dhacayso doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Hoos ka daawo sawirada

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Goobjoog News