U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Xafiisyo Ku Yeelanaya Gobolada Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan maanta dhexmaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad la qaatay wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP, waxaa ku wehliyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacbaka Mudane Cabddikariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana kulanka looga hadlay taageerada ay hay’adda UNDP siiso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaana kulanka looga wadahadlay sidii loo dardargalin lahaa hawlaha shaqo ee baarlamaanka oo mudada u hartay baarlamaanka ee 9-ka bilood ah, waxaana hawlaha ka mid ah sidii baarlamaanka uu xafiisyo uga furan lahaa gobolada dalka.

UNDP ayaa taageero u fidisa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka mid ah tababarada, diyaarinta sharciyada iyo waliba xagga mushaaraadka.