U bood dhigaalka

Dib u Dejin Loo Sameynayo Barakacayaasha Ku Dhaqan Jowhar

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar iyo AMISOM ayaa ka shiray sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Kulankaan ayaa la isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan qoysaskaan looga raro Garoonka, islamarkaana maamulka degmada Jowhar uu dadkaasi dhul ay degaan siiyo.

Waxaa kulankaan Goobjoog ka ahaa hogaamiyayaasha barakacayaasha Jowhar, iyaga oo soo dhaweeyay go’aankaasi.

Gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa dadkaasi u sheegay in aysan sii ahaan doonin barakacayaal, islamarkaana ay deegaan noqon doonaan.

Magaalada Jowhar waxaa ku dhaqan qoysas badan oo barakacayaal ah, gaar ahaan garoonka magaaladaasi, iyadoo dadkaan ay u badan yihiin kuwii kasoo barakacay dagaallada gobalkaasi ka dhacay.

Goobjoog News