U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Jubbaland Oo Maanta Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cismaan ayaa maanta waxa uu ku dhawaaqay guddiga doorashada maamulkaasi, kaa oo ka kooban Sagaal xubnood.

Guddigaan ayaa ah KMG, waxaana ay maamuli doonaan hanaanka loo qaban doono 15-ka bishaan doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in guddigaan oo raacaya dastuurka Jubbaland in ay diyaarin doonaan xeerka iyo shuruucda doorashada, waxaana loo qabtay in ay kusoo gudbiyeen sharcigaasi muddo Laba Maalin ah.

Dhammaan xubnaha guddigaan ayaa ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, waxaana ay kala yihiin:-

  • Xabiiba Maxamed Cabdulle (Gudoomiye)
  • Axmed Cabdixafiid Maxamed (Gudoomiye ku xigeen)
  • Xuseen Xirsi Axmed   (Xoghaye)
  • Cabdi Maxamed Cabdi  (Xubin)
  • Cismaan Xuseen Rooble  (Xubin)
  • Bashiir Axmed Cumar (Xubin)
  • Xasan Xaaji Maxamed   (Xubin)
  • Axmed Ismaaciil (Xubin)
  • Cabaas Cali Ibraahim (Xubin)

 

Goobjoog News

Guddiga doorashada Jubbaland