U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya oo Waraaqihiisa Ka Guddoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomey safiirka cusub ee Soomaaliya Jamaal Maxamed oo horey dowladda Soomaaliya ugu magacoowdey xilkaasi.

Safiirka oo ku labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka ee marada cad ee qeydka ah ayaa waxa uu soo jiitey dareenka warbaahinta, isaga oo ka duwanaa dhamaan safiiradii kale ee halkaasi waraaqaha looga guddoomayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga dhankiisa dhawaan qaabiley safiirka cusub ee Kenya u fadhinaya Soomaaliya.

Goobjoog News

Jamal Maxamed