U bood dhigaalka

Pakistaan oo Daldashay Qof isagoo Yar wax Dilay

Sheeko:Dalka

Dowladda Pakistaan ayaa saaka dil ku fulisay Showkat Xuseen Cali Khalifa kaas oo wiil yar dilay sanadkii 2004-tii.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in markii uu wiilka dilay uu Showkat jiray 14 sano, qirashadiisana ay timid kadib markii la jirdilay.

Waxaa sidoo kale dilkiisa sharci darro ku tilmaamay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobey oo arinkaas la socday.

Showkat waxaa lagu daldalay saaka salad Subaxdii magaalada Karachi, waxaa sidoo kale xalay loo ogolaaday in uu la kulmo ehaladiisa.

Maxkamadda ayaa dilkan Showkat dib u dhigtay ilaa 4 jeer oo hore lakin ugu dambeyntii waxaa ay go’aamisay in saaka la dilo.