U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Dowladda Federaalka Ka Codsatay in Ay Baarto Shirkadda SOMA Oil

Sheeko:Caalamka

Guddoomiyaha kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Rafael Ramires oo sidoo kale ah safiirka dalka Vanezuala u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa warqad usoo qorey dowladda federaalka, wuxuuna kaga codsaday in baaris dambiyeed lagu furo shirkadda SOMA Oil and Gas ee dowladda horey qandaraaska shidaal baarista ula gashay.

Waxaa warqadda ay ka dambeysey kadib warbixin 28 bog ka kooban oo kooxdani ay ka diyaarisey hawlaha musuqmaasuqa iyo laaluushka ee shirkadda , waxaana la sheegey in illaa 14 shaqaale ka tirsan wasaaradda batroolka iyo macdanta ay shirkadda ka qaateen lacag laaluush ah oo u dhaxaysa $1600 illaa $36,000 oo doolar, si shirkadda loogu fududeeyo hawlaheeda.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegey in ay bixisey nus malyuun doolar oo ay siisey garyaqaan u dhashay dalka Canada oo lagu magacaabo J. Jay Park kaasi oo ka mid ah la taliyeyaasha madaxa banaan ee wasaaradda batroolka.

Waxyaabaha kale ee warbixinta ku xusan ee aanan horey loo ogeyn si shaax ah waxaa ka mid ah in SOMA loo saxiixay qandaraas shidaal soo saaris ah, waxaana la siiyey illaa 12 ceel shidaal ah oo kuwa ugu nacfiga badan ah sida shirkadda ay ku ogaatay baaris ay samaysay.

Warqadda loosoo qorey dowladda federaalka ayaa lagu codsaday in ay samayso baaritaan dhab ah, kadibna maxkamad saarto shaqsiyaadka ka tirsan wasaaradda batroolka iyo waliba qolooyinka kale ee sida qaldan lacagaha u qaatay si ay u fududeeyaan qandaraaska ay heshey shirkadda SOMA.

Dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka jawaabin codsigani, mar sii horeysayna waxa ay sheegtey in ay wada shaqayn la yeelan doonto baarayaasha dalka Ingiriiska oo dacwad ku furey shirkadda SOMA Oil.

Goobjoog News