U bood dhigaalka

Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo deegaanka Golweyn ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay ganacsade caan ah oo la sheegay in aad looga yaqaanay deegaanka Buulomareer ee gobalkaasi.

Ganacsadahaan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Galad ayaa wararku waxay sheegayaan in ay dileen rag hubeysan xilli uu safar ahaa, iyadoo dilkiisana loo sababaayay aano qabiil oo deegaanadaasi ka jirtay.

Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanka falkaan uu ka dhacay ayaa Goobjoog News u sheegay in markii ganacsadahaan la dilayay ay la socdeen dhalinyaro kale, hase ahaatee ay goobta ka baxsadeen markii rasaasta lagu soo furay.

Cabsi ballaaran ayaa soo wajahday shacabka ku dhaqan deegaanka Golweyn iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, waxaana dadka ay ka baqanayaan in saameyn ay ku yeelato dagaal beeleedkaasi.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii deegaanada gobalka Shabellaha hoose qaarkood ay dib uga bilwdeen dagaal beeleedyada, waxaa halkaasi ku dhintay dad ku dhaw 20 ruux, mana jirto dowlad ama maamul xilligaan soo kala dhex galay beelahaan is haysta.

Goobjoog News