U bood dhigaalka

Xujada Soma Oil:- Heshiiska Lagu Muransan yahay Iyo Mushaaraadka badan

Sheeko:Dalka

Bishii August sannadkii 2013kii dowladda Soomaaliya waxay la saxiixatay heshiis shirkad shidaalka qoda oo lagu magacaabo Soma Oil and Gasfadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska waana shirkad uu guddomiye u yahay nin horey gudoomiye uga ahaa  xisbiga muxaafidka (The Conservative Party) ee dalka Ingiriiska kaasoo lagu magacaabo Michael Howard.

Waxaa intaassii dheer labada dhinac waxay isla gaaren heshiis dhinaca dhismaha awooda, kaas oo ay shirkada Soma Oil fududeyneyso dhismaha awooda shaqaalaha Wasaaradda Tamarta Soomaaliya si loo helo shaqaale leh awooda shaqo ee loo baahan yahay.

Heshiiska dowladdu la gaartay Soma Oil, wuxuu tilmaamayaa in Soma Oil ay baaritaano ku sameyn karto dhul biyeedka Soomaaliya gaar ahaan meelaha lagu heshiiyey iyo weliba dhul gaar ah oo ku yaala goobo uu heshiisku tilmaamayo.

Warbixin lagu qoray bogga internet-ka ee Soma Oil bishii August 6-deedii sannadkii 2013-kii ayaa sheegaya in Soma Oil ay xaq u leedahay iney baaritaano shidaal qodis ah ka sameyn karto Soomaaliya,sida uu qorayo heshiiska lagu wadaagayo waxsoosaarka shidaalka meelaha lagu wada heshiiyey.

Heshiiska Dhismaha Awooda

Marka la fiiriyo dhismaha awoodda, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Soma Oil ay dhaqaale ku bixineyso dib usoo nooleynta xaafiisyada wasaarada ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qalabeyso xaafiisyada wasaaradda iyo weliba dhismaha qol lagu keydiyo xogta wasaaradda iyo in la shaqaaleysiiyo shaqaale aqoon gaar ah u leh hawlaha wasaarada kuwaas oo ay ka mid yihiin la taliyaal.

Intaas waxaa sii dheer Soma Oil waxay fududeyneysaa barnaamijyada lagu tababarayo shaqaalaha wasaarada iyo iney ka caawiso wasaaradda qorshaheeda shidaaldoonka ah oo ay ka mid tahay siyaasada la xiriirta shidaalka, shuruucda iyo iswaafajinta kheyraadka dabiiciga ah ee kala gedisan kaas oo ku cad Dastuurka federaalka ee la meelmariyey sannadkii 2012-kii.

Hadaba guud ahaan Soma Oil waxay ahayd iney bixiso lacag gaareysa $400,000 sida uu dhigayo heshiiska guud ee taageerada iyo tayeynta xarumaha wasaarada.

Si kastaba ha ahaatee, warbixin qaramada midoobay ay ka soo saartay shidaal qodista ayaa lagu sheegay in heshiiskani uu yahay mid halis keeni kara arrintaana waxay sababtay in xafiiska baarista dacwadaha culus ee UK uu bilaabay baaritaan ka dhan ah shirkadda Soma Oil and Gas, waxayna UK tilmaantay eedeymo musuqmaasuq oo ka jira Soomaaliya.

Waxaa aad loo cambaareyey dad ay wasaaradu u qoratay lataliyeyaal sida heshiisku uu qorayo. Kooxda dabagalka iyo u kuurgalka ee qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Erateriya ayaa sheegtay in heshiiska uu yahay heshiis daneysi ah oo la doonayo in wasaaradda dhankeeda looga faa’iideysto islamarkaana sheegay in laga fogaado ineysan arrintaani keenin cawaaqib xun.

Iyadoo la tixgelinayo.

Shirkadda Soma Oil waxay mabda’a ahaan kula heshiisay wasaaradda tamarta iney bixiso mushaaraadka iyo qarashaadka ku baxa latalinta wasaaradda, deegaanka wasaarada, safarada la xiriira hawlaha wasaarada iyadoo la fiirinayo heshiiska, si kastaba ha ahaatee kooxda dabagalka ee Soomaaliya iyo Erateriya waxay su’aalo iska weydiineysaa nidaamka loo maray heshiiska dhismaha awoodda shaqaalaha .

Ugu yaraan lix sarkaal oo ka mid ah heshiiska dhismaha awooda shaqaalaha ayaa lagu arkay liiska mushaarbixinta ee dowladda marka laga reebo lacagta ay siineyso shirkadda Soma Oil and Gas.

Tilaabooyinka shirkada Soma Oil waa kuwo keeney in su’aalo la iska weydiiyo guuldarada in aan la qaadin nidaam sax ah, kaasoo lagu bixinayo lacagaha dhammaan hawlaha la sheegay in lagu tayeynayo shaqada wasaaradda tamarta waana kuwo laga yaabo iney keenaan khilaaf dhinaca danta ah oo ka dhex dhasha dhinacyada heshiiska wada saxiixday, laakiin Dr Cabdi Maxamed Siyaad oo bare ka ah jaamacad ku taala dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay midka keliya ee illaa hadda aan keenin khilaaf dhinaca hantida ah.

Marka la fiiriyo heshiiskan shidaal qodista ah kooxda dabagalka ee qaramada midoobay waxay walaac ka muujisay sida aan wanaagsaneyn ee uu ku bilawday heshiiskan waxayna sheegtay in wasaaraddu ay dooneyso iney heshiiskan si iskeed ah uga faa’iideysato iyadoo aysan jirin wax shirkad kale ah oo tartan la geli kara Soma Oil , waxaana sidoo kale jirta in Soma Oil aysan dooneyn in heshiiska ay la gashay wasaarada tamarta loo bandhigo shacabka intiisa kale, sidaas si la mid ah kooxda dabagalka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Eretria waxay su’aalo iska weydiineysaa habka loo saxiixday heshiiska iyadoo aan la marsiin qaab sharciyeed saamaxaya heshiiska iyadoo wadanku uu awoodo inuu arrintaas dardargeliyo.

Kooxda dabagalka ee qaramada midoobay waxay ka dhawaajisay warbixnta kasoo baxday dowladda Ingiriiska iyo warbixinta heshiiskan ee lagu dhisayo koox khuburo ah oo ku taqasusay waxsoosaarka oo isugu jira khuburo caalami ah iyo kuwo kale iney wax badan ka tari doonto taageerada wax ku oolka ah ee la siiyo hay’adaha Soomaaliyeed ee dhinaca waxsoosaarka.

Xuquuqda dhul baarista

Marka laga reebo xuquuqda baarintaanka dhulka ee Soma Oil sida uu dhigayo heshiiska 6-dii August ee 2014-kii waxaa jirta in Soma Oil ay heleyso gunno iyo weliba heshiis qabyo ah kaasoo u ogolaanaya Soma Oil saami weyn oo faa’iido ah oo ku saleysan dhanka waxsoosaarka ah ,sidoo kale Soma Oil waxay xaq u yeelaneysaa iney sahmiso kana faa’iideysato 12 qeybood  oo badda gudaheeda ah oo saliid iyo gas ah kaasoo cadadkiisu gaarayo 60,000 km2.

Cambaareynta ka dhanka ah xubno sarsare kuwaasoo wasaaraddu sheegtay iney u yihiin lataliyaal sida heshiisku dhigayo ayaa kooxda dabagalka qaramada midoobay ku tilmaantay mid koox gaar ah ay ku daneysaneyso wasaaradduna ay dooneyso in heshiiskani uu sidiisa ahaado oo uusan burburin.

Dhinaca kale Soma Oil waxay sheegtay in warbixinta kooxda dabagalka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Eretria ee lagu sheegay heshiiska wax kala iibsiga ah mid aan loo marin nidaam sax ah uu yahay mid laga badbadiyey waxayna Soma Oil sheegtay in kooxdani ay ku fashilantay iney fahanto nooca heshiiska waxay sheegtay in kooxda dagabalka ee qaramada midoobay ay ugu horeytiiba si qaldan u fahantay nidaamka, ujeedada iyo heerka uu gaarsiisan yahay heshiiska iyo lacagaha kaasoo ah mid lagu tayeynayo hawlaha wasaaradda tamarta oo ay wada saxiixdeen Soma Oil iyo dowladda federalka Soomaaliya, waxay intaas sii raacisay in heshiiska lagu tayeynayo wasaaradda uu yimid kadib codsi nooga yimid dowladda Soomaaliya kaasoo ah in la siiyo loona fududeeyo kheyraadka loo baahan yahay, awooda farsamo iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo taageero heshiiska shidaal barista.

Hanti Goosasho aan xalaal ahayn

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in nidaamka qaldan ee qaramada midoobay ay sheegtay uusan layaab ku ahayn in su’aalo la iska weydiiyo sida uu ku bilawday heshiiska,eregeygii hore ee Soomaaliya u fadhiyey mareykanka ahna falanqeeye arrimaha siyaasada dibada Abukar Carmaan ayaa sheegay in wadanku uu wax badan ku weyn karo heshiiskan wuxuuna ku tilaamay heshiiskan mid bilawgiisiiba la doonayey in lagula wareego hanti dad kale leeyihiin wuxuuna sheegay in Soma Oil ay tahay mid hanti goosad ah oo dooneysa iney ka faa’iideysato wadan fashilmay oo aan lahayn nidaam wax lagu kala hagi karo, marka si kale loo yiraahdana haddii qorshahani uu sii socda sooma dedejinayo oo keliya in Soomaaliya ay noqoto meel dad gaar ah ay ka faa’iideystaan, laakiin wuxuu sidoo kale abuuri karaa dagaal joogto ah oo ka dhaca kheyraadka qaranka ah iyo dhibaato dabadheeraata oo ku timaada kheyraadka dalka.

Abuukar Carmaan wuxuu sidoo kale sheegay in rajada Soma Oil ee ay ku dooneyso iney ku sameyso baaritaanka shidaalka islamarkaana ay kula heshiisay dowladda Soomaaliya inuu yahay arrin kale oo welwel gelin karta dalka wuxuuna sheegay in qandaraaska labada dhinac uusan ahay mid cad, Carmaan wuxuu sheegay in heshiiska Soma Oil uusan cadeyn islamarkaana uu yahay awood buuxda oo qol mugdi ah lagu wadasaxiixday.

Gole lagu magacaabo The East African Energy Forum,oo ah koox quburo Soomaaliyeed ah oo ku taqasusay kheyraadka iyo sharci yaqaano ayaa dhankooda wax  iska weydiiyey awooda Soma Oil ay u leedahay iney baaritaan sameyso iyadoo quburada dhinaca waxsoosaarka ay sheegeen in arrintani ay u baahan tahay waayo-aragnimo ballaaran.

Sidee shirkad jirta afar bilood oo keliya loo siiyaa awood ay ku sahmiso biyaha baddeena taasoo qandaraasleyaal iyaga hoostaga ay xaqiiqdii u sii wadi doonaan shaqada? Maxaa shirkadaha awooda iyo kartida u leh hawlahan loogu ogolaan waayey si ay isugu dayaan iney la yimaadaan qorshe waxsoosaar sidaana waxaa yiri Feysal Mayo oo ah agaasimaha farsamada ee The East African Energy Forum.

Magacyada iyo dadka heshiiska wada gaaray

Waa kuma shaqsiyaadka dowladda ku jira ee Soma Oil ay heshiiska la saxiixatay?

Warbixn ay uu soosaaray gudiga dabagalka ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Erateriya ayey ku sheegtay in 14 qof oo ay shaqaaleysiisay wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee Soomaaliya ee ka mid yihiin heshiiska dhismaha iyo dardargelinta wasaaradda.

Lix ka mid ah 14 kaas ayaa hadda ah shaqaale rayid kuwaasoo mushaar ka qaata dowladda waxaana kooxdu ay ku sheegtay magacyadooda.

  1. Farax Cabdi Xasan (Xoghayaha Guud ee Wasaarada)
  2. Jabril Max’ud Geeddi (la taliye sare ahna ku xigeenka agaasimaha)
  3. Maxamed Cali Nuur Xaji (xoghayaha joogtada ah ee xafiiska reysulwasaaraha)
  4. Cabdiqaadir Abiikar Xuseen (Dhul baare sare ahna agaasimaha sahminta dhulka)
  5. Xuseen Cali Axmed (sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda shidaal qodista Soomaaliyeed ahna lataliye sare oo dhinaca dhaqaalaha ah)
  6. Leyla Cali Axmed ( kaaliyaha maamulka)

Inta kale ee soo hartay waxaa kooxda dabagalku sheegtay in mushaarkooda ay bixiso Soma Oil waxayna kala yihiin.

  1. Yuusuf Xasan Isxaaq (Madaxa xafiiska xiriirka dadweynaha ahna qabiir saxaafadeed)
  2. Cabdinuur Max’ed Axmed (xafiiska xiriirka dadweynaha)
  3. Cabdullaahi Maxamed Warfaa (Xiriirka Caalamiga ah)
  4. Maxamed Yuusuf Cali (Qabiir sare oo dhinaca sharciga ah ahna agaasimaha arrimaha la xiriira sharciga)
  5. Dr Cabdi Max’ed Siyaad (lataliye sare ahna qabiir macaadinta)
  6. Cabdirisaaq Xasan Cawad (Kaaliye qof ama xoghayn)
  7. Faarax Axmed Ismaaciil (Kaaliye qof ama xoghayn)

Kooxda dabagalka ee qaramada midoobay waxay xustay in dhammaan shaqaalahaan ay heleen lacag dhan $295,800 intii u dhaxeysay bishii March 2014kii illaa bishii February 2015ka iyadoo lacagtaas badankeed ay ku dhacday jeebka agaasimaha guud mudane Faarax Cabdi Xasan waxaana jeebkiisa gashay lacag dhan $ 36,000 halka uu Faarax Axmed Ismaaciil uu qaatay lacag gaareysa 1,600. Sida ay sheegtay Kooxda dabagalka ee qaramada midoobay.

Saxiix Been Abuur Ah.

Waxaa laga yaabaa in ay jirto tuhuno ah in qaar ka mid ah shaqaalaha ay heleen oo keliya qeyb ka mid ah lacagtii loo qoondeeyey,tusaale ahaan kooxda dabagalka qaramada midoobay waxay sheegtay in Dr. Abdi Mohamed Siad uu iscasilaadiisa gudbiyey October 14, 2014 isagoo ka tagey lifaaq jeeg lacageed oo taariiqdiisu tahay November 30, 2014 iyadoo saxiixiisu uu ka muuqday, kooxdu waxay sheegtay in isku-darka lacag gaareysa $28,000 oo ka hartay Dr Cabdi Maxamed Siyaad in la qaatay.

Goobjoog News ayaa si kastaba ha ahaatee si qoto dheer baaritaan ugu sameyn doonta jawaabaha iska soo horjeeda ee la bixiyey.Agaasimaha guud Faarax Cabdi ayaa sheegay inuu arkay warbixinta kooxda dabagalka ee qaramada midoobay wuxuuna ballanqaaday inuu soosaari doono jawaab dhameystiran.

Iskadifaaca Cambaareynta

Si kastaba ha ahaatee wasaaradda shidaalka iyo macdanta uga jawaabtay su’aalahii ay Goobjoog weydiisay oo ku aadanaa warbixintii kooxda dabagalka waxayna wasaaraddu si weyn isaga fogeysay in wax isafgaranwaa ah uu ku yimid qarashaadka la doonayo in lagu hormariyo hawlaha wasaaradda.

Ugu dambeyn baarintaanka SEMG, warbixinteeda waxay muujineysaa inuu jiro heshiis qoran kaasoo la galay intii u dhaxeysay 25-kii April 2014-kii oo dhexmaray wasaaradda shidaalka iyo macdanta iyo shirkadda Soma Oil and Gas waxaana jira nidaam lagu maamulayo qarashaadka la doonayo in lagu hormariyo wasaaradda iyo mushaaraadka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in loo baahanyahay maamul wanaag, hufnaan iyo isla xisaabtan kaasoo wax badan ka bedeli karaa qorshaha maamulida kheyraadka Soomaaliya.

Hufnaanta adeegga bulshada iyo helitaankeeda waa ahmiyada qaranimo iyo in dabagal lagu sameeyo iyadoo loo marayo nidaamkeena iyo midka caalamka sida gudiga maamula hantida.

Eedeymaha kooxda dabagalka ay usoo jeedisay heshiiska lagu tayeynayo wasaaradda tamarta wuxuu ahaa heshiis ay labada dhinac ku wada daneysanayaan.

Madaxa arrimaha dibada ee wasaaradda Ibrahim Hussein wuxuu ku sheegay eedeymahaas kuwo aan waxba ka jirin oo aan sax ahayn islamarkaana la marin habaabiyey.

Qeybaha ugu dambeeya ee tixanaheena, qandaraasyada shidaalka waxaan baaritaan ku sameyneynaa eedeymaha kooxda dabagalka iyo heshiisyada kale ee lala saxiixan doono.

Goobjoog News