U bood dhigaalka

6 Sabab oo Facebook aad ku nici karto

Waqti Lumis:

Sababta koobaad ee aad ku nici karto Facebook, waa adigoo u arko waqti lumis, waayo Facebook lagama hurdo, waqti walba dad ayaa ku jira, Dhamaan Qaaradaha ah, waxaa laga yaabaa in xiliga dalka aad joogto hurdaan, dalal kale markaas hurdada laga toosay, marka waa waqti lumis.

Xayeysiis ku dhib:

Fecebook, waxaad ku nici kartaa Xayeysiis badan, Maanta oo dhan waxaa laguugu Tage gareyn Xayeysiino aadan raali ka aheyn, waxaad arkeysaa sheekooyin iyo Bogag aadan rabin oo Bage-kaad dhex yaalla, marka waa tilaabo kale oo Facebook aad ku nici karto.

Caafimaadka ayuu u daran yahay:

Dhafarka iyo Qoraalka badan iyo xitaa sheekada Malaa yacniga ah, waxaa uu u daran yahay Caafimaadka, dad badan ayaa quus ka taagan isticmaalka Fecebook, dad badan ayuu Indhahooda waxyeelo gaarsiiyay, sidaa darteed waa arin kale oo qofka ku qasbi karta in uu ka baxo facebook.

Dadad aadan aqoon:

Facebook, maanta oo dhan waxaa kula soo hadlaya dad aadan aqoon, waxaa kugu darsanaya dad aadan aqoon, waxaad la sheekeysan dad aadan aqoon, marka dambe waxaad is weydiineysaa waa kuwee dadkan, waayo ma taqaanind, waxaa laga yaabaa in aad la yeelato xiriir been ah, waxaa kugu filan in lagu tiro ama unfrend laga adhigo, waxaa ka qaadeysaa niyad jab, sidaa darteed waxaa haboon inta aan lagu saarin in aad Facebook iskaga baxdo.

Haddii aad baxdo Laguma Tabaayo:

Maalin walba Faecbook dadka isticmaala waa sii badanayaan, in ka badan 1.2 Billione oo aadan aqoon ayaa ku jirta, haku waalan sida aad dad ugu darsaneyso, waayo ntaa oo dhan wey adag tahay in aad barato.

Faa’ido Ma leh waxa aad Share Gareyso.:

Dadka qaar waxa ay qoraan cidna ma aqrisato, waxaa laga yaabaa in aad caajisto oo aad iskaga baxdo Faecbook, marka aad weyso dad xiiseeya waxa aad soo qorto.