U bood dhigaalka

Shirkad Laga Leeyahay Dalka Turkiga Oo Lagu Wareejiyay Tayo Dhowrka Badeecooyinka Dalka Yimaada

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guud ahaan loo sheegayo ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa dalka wax keena iyo kuwa dibadda wax u dhoofiya in la xaqiijin doono tayada badeecaddooda.

Qoraalka ayaa sidaan u qornaa:-

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada dibadaha wax ka keena iyo kuwa u dhoofiyaba in laga bilaabo 15 bisha Sebtember, 2015 guud ahaan Soomaaliya laga hirgelin doono nidaam taya dhawr si loo ilaaliyo deegaanka iyo faya dhawrka shacabka Soomaaliyeed.

Badeecooyinka dalalka laga soo dhoofiyo inta aanan laga soo rarin waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan lagu ogaanayo tayada, kaddibna waxaa la siinayaa shahaado tayo oo caddeynaysa in badeecadaasi ay tayadeedu waafaqsantahay heerkii loogu tala galay.

Barnaamijkan waxaa fulin doona Shirkadda PGM oo khibrad dheer u leh baaritaannada tayada badeecooyinka kala geddisan, kana hawl gasha in ka badan 40 dal, xarunteeduna tahay dalka Turkiga, taas oo ay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, heshiis kula gashay in ay koontarool ku sameyso dhammaan badeecadaha dalka soo galaya si loo hubiyo fayo dhawrka dadka iyo deegaanka oo dayacnaa 25kii sano ee lasoo dhaafay.

Shahaadooyinka ay bixiyaan xafiisyada PGM ee dibadda waxaa mar kale lagu hubin doonaa dekadaha iyo garoomada Soomaaliya oo ay shaqaalaha shirkaddu ku suganyihiin si looga hortago in la sameysto shahaadooyin been abuur ah.

15ka bisha Sebtember waxay shirkadda PGM bilaabaysaa shahaadooyin ku meel gaar ah oo caddeynaya tayada badeecadaha la keenayo Soomaaliya. Shahaadooyinka waa la bixinayaa xitaa haddii aysan badeecadu gaarsiisnayn heerkii la rabay, balse waxaa lagu wargelinayaa qofka leh in tayada badeecadu aysan ahaydn heerkii la rabay. Shahaadooyinkaas kumeel gaarka ah waxay bixintoodu soconaysaa ilaa 31ka Oktoobar, 2015.