U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Loogu Baaqay Xalinta Beelaha Saluugsan Maamulkiisa

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda deegaannada Galmudug ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed in uu xalliyo saluugga ay qabaan qaar ka mid ah beelaha deggan gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay jiraan beello wax ka tabanaya maamulka Galmudug, gaar ahaan qaabka maamulkaasi loo dhisay, loona baahan yahay in Mr Guuleed uu xalliyo.

“Beello badan baa wax ka tabanaya Galmudug, waxay qabaan cabasho, waana in madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay xalliyaan waxa la saluugsan yahay” ayuu yiri Suldaanka.

Sidoo kale Suldaanka ayaa sheegay in hadii la xalliyo cabshada jirto la heli doono maamul dadka ay u dhanyihiin laguna wada qanacsan yahay.

Maamulka uu hogaaminayo Cabdikariin Guuleed waxaa hor yaalla shaqooyin aad u badan, sida xallinta dadka wax tabanaya iyo kuwa diidan jiritaanka maamulka Galmudug, sida Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News