U bood dhigaalka

Maxay Tahay Xikmadda Bajaajta Canshuurta Looga Qaado, Shirkadaha Waaweyna Aanan Loo Canshuurin ?

Sida aan dhawaan baahiney warbixin uu soo saaray guddiga maaliyadda baarlamaanka federaalka ayaa waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in ay canshuur ka qaado shirkadaha waaweyn sida kuwa isgaarsiinta, xawaaladaha, bangiyada , hoteelada iyo kuwa kale ee dhoofinta iyo soo dajinta badeecooyinka.

Laakiin dowladda waxa ay hadda si rasmi ah u canshuurtaa gaadiidka yaryar ee dadka dan yarta ah ay ku shaqaystaan ee loo yaqaano bajaajta, mid ka mid ah wadayaasha bajaajta oo magaciisa ku gaabsaday Cabdifataax ayaa yiri “Aniga maalinta iigu macaashka badan waxaan shaqeeyaa $20 doolar, 4 ka mid ah shidaal ayaan ku bixiyaa, 1 doolar waa canshuurta, in kale qofka isla leh bajaajta ayaa iiga baahan, aniga wax shan doolar ka yar ayaan guriga la tagaa”.

Wax ka badan 3 kun oo bajaaj ayaa ka shaqaysa magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhignaan karta in ay xarooto canshuur dhan $90 kun oo doolar bishii, taasi oo ah lacag waxgal ah haddii si wanaagsan loo mareeyo, sidaasi oo ay tahay aad uma muuqato lacagtaasi halka ay ku dhibicdo, shaki badan ayaana la galiyaa in ay khasnadda dowladda aaddo iyo in kale.

Waa wax aad u wanaagsan in dowladda canshuur qaado, waana waajibka koowaad ee dowladda looga fadhiyo, hase yeeshee waxa ay dad badan isweeydiin karaan xikmadda ku dambaysa in ganacsiyada aadka u yaryar sida Bajaajta la canshuuro, kuwa aadka u waaweyn ee malaayiinta lacagta sameeya aanan la canshuurin?

Guddiga maaliyadda baarlamaanka waxa ay ku doodeen in haddii shirkadaha waaweyn canshuurta ku waajibtay laga qaadi lahaa in taasi ay ku filnaan lahayd daboolista baahida dowladda oo hadda iyadu kaafin la’ qarashaadka ku baxa hawlaha ay qabato.

Ganacsiga Soomaaliya ayaa aad usii kordhaya, iyada oo sanadihii ugu dambeeyey markii ay xaaladda dalka hagaagtay ay dalka ka furmeen ganacsiyo aad u badan oo macaash badan sameeya.

Dowladda waxa ay ku marmarsiiyootaa in wali aanan la meelmarinin shuruucdii lagu canshuuri lahaa shirkadaha waaweyn sida isgaarsiinta, balse muxuu yahay sharciga loo heley in bajaajta lagu dhaqo ee loo waayay shirkadaha waaweyn?.

Sharciyada qaar waxa ay baarlamaanka horyaalaan 10 sano ka badan, mana jiraan wax horumar ah oo laga sameeyey, iyada oo ansixintooda maalin kasta ay caqabad hor leh ku timid. Waxa ay dad badan aaminsanyihiin in sharciyadani si ula kac loo xaglo daacinayo.

Goobjoog News