U bood dhigaalka

Bandhigga Buugaagta Muqdisho, Oogga Cusub ee u Bidhaamay Soomaaliya

Waxaan qeyb ka ahaa hawl wadeenada bandhigga caalamiga buugaagta ee magaalada Muqdisho kaasi oo ahaa markii koowaad oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaanan halkan si kooban ugu cabbirayaa waxa iiga bidhaamay dhacdadani taariikhiga ah. Waxaa bandhigga soo qabanqaabiyey hey’adda New Horizon ama Oogga Cusub oo uu madax ka yahay Maxamed Sheekh Cali Diini.

Wax badan ayaad ka maqasheen bandhigga, buugaagta lagu soo bandhigey iyo dadka ka qeybgalay ee qorayaal iyo kuwa kalaba isugu jiray, taasina idinku noojin maayo ka faaleynteeda.

Magaalada Muqdisho oo aanan lahayn meelo ay dadka isugu yimaadaan si ay isu dhaafsadaan aragtiyadooda, ama ugala socdaan barnaamijyo wacyigalin ah, sida tiyaatar, maktabado buugaag, madxaf, darjiinooyin, ama dhismayaal kale oo danta guud oo dadka lagu guubaabiyo ayaa dhacdada ceynkan oo kale ah waxa ay u ahayd fursad aanan markasta soo marin, islamarkaasina aanan la diyici karin.

Sidaasi darteed boqolaal dhalinyaro iyo dad da’ dhexaad ah oo hamuun badan u qaba in ay quudiyaan maankooda aqoon kororsiga u ooman ayaa kusoo xoomey madasha, waxayna si hanweynin ku jirto u hiigayeen wax kasta oo qoraal, hadal ama sawir ah oo halkaasi lagu soo bandhigey.

Aniga waxaad aad ugu fiirsanayay dareenka dadka sedexdii maalmood ee ay hawsha socotey, waxaan aad ula yaabay sida dadka qamaamka ugu ahaayeen buugaagta , sida ay ugu jibeysnaayeen qorayaasha, sida ay u jeclaayeen barnaamijka, iyada oo dadka qaarkood ay ii sheegeen in ay kuba yaraatay sedexda maalmood.

Bandhiggani waxa uu ahaa mid tusaale wanaagsan u ah dib usoo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo horey loogu bixiyey naaneeso fool xun sida “Magaalada ugu halista badan adduunka” iyo wixii la mid ah, waxaanaba jirtey xili uu qad cagaaran kala qeybin jirey magaalada oo aanan xitaa la’isu gudbi jirin.

Markii wariye ka tirsan BBC-da qeybta la hadasha adduunka oo magaceedu yahay Marry Harper ay qoraal kasoo qortey bandhigga, balse soo raacisey sawiro muujinaya burburkii Muqdisho ay soo martay ayaa waxa ay taasi aad u carro galisey ka qeybgalayaasha iyo dad badan oo dunida daafaheeda kala jooga, waxaana la bilaabay hadalheynta ah ama (Hash Tag) #SomeoneTellMarryHarper kaasi oo lagu canaananayo gabadhani.

Malahayga qoraaladii ugu badnaa iyo sawiraddii ugu badnaa sanadahan dhow oo hal dhacdo ku saabsan ayaa laga gudbiyey bandhigga, iyada oo dadka ay isticmaalayeen is afgaradka ah #MIBF2015, kuwaasi oo lagu baahiyey twitter-ka ama barta Facebook.

Kaliya boqolaal dad ah oo reer Muqdisho ah kama aysan qeybgalin bandhigga, ee sidoo kale waxaa bandhigga looga yimid meelo aad u fogfog oo dunida daafihiisa ah, iyo dalka gudihiisa xitaa magaalada Hargeysa.

Dadkii kasoo qeybgalay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu maalintaasi ka nastay siyaasadda, islamarkaasina aanan qarsanin jacaylka uu u qabo buugaagta, wuxuuna madasha ka cantoobsaday kurjad buugaag ah oo ay ka midyihiin buug uu qorey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf iyo mid laga qorey madaxweynihii kale ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweyne Xasan oo hadlay ayaa waxa uu yiri “Sida loogu baahanyahay in caruurta cunto loogu quudiyo si ay u koraan, ayaa loogu baahanyahay in aqoonta iyo akhriskana loogu quudiyo si garaadkooda u dhismo”.

Marka waxaasi oo dhan la’isu geeyo waxa uu bandhigga ka dhiganyahay waa’ cusub oo u baryay Soomaaliya, illeys cusub oo u bikaacay dalka, tahayna in halkiisa laga sii wado si dhidibada loogu adkeeyo dib usoo kabashada Soomaaliya iyo ifafaalooyinka rajada leh ee soo kaahaya.

Sidaasi darteed waxaan si xoog badan ugu doodi karaa in hey’adda New Horizon oo qabatay bandhigga ay kasoo dhalaashay magaceeda oo fasiraadiisu tahay “Oogga Waabariga Cusub”, waxaanan u rajaynayaa guud, dadkuna in ay wanaagga kaga deydaan.

Cabdinaasir Saxansoxo

Email : [email protected]

Goobjoog News