U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka iyo K/Galbeed oo Xal U Raadinaya Shaqaaqooyinka Marka

Sheeko:Dalka

Wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Marka si xal waara loogu helo shaqaaqooyinka magaalada Marka oo ay ka dhaceen dilal ciidamada AMISOM ay geysteen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii uu halkaasi tagay waxaa lagala horyimid mudaaharaad ay dhigayeen dad careysan, kuwaasi oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah madaxweynaha, dalbanayayna in uu xilka isaga dego.

Shariif Xasan oo la hadlay dadka banaanbaxayay ayaa ka codsaday in la’is dajiyo, lagana wada hadlo wixii la xalin karo, isaga oo xusuusiyey in dalka uu soo maray sanooyin badan oo dagaalo dhacayeen.

Dhanka kale guddiga difaaca baarlamaanka oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo madax ka ah guddigaasi ayaa isna halkaasi gaaray arrimo la xiriira dhameynta shaqaaqadaasi.

“Shirkii Guddiga difaaca baarlamaanka uu la galay Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa ahaa in aan kormeer ku sameyno goobaha ay howlgallada ka sameeyeen, waxa ay qeyb ka tahay gudashada waajibaadka guddiga difaaca loo idmaday, marka nasiib wanaag waxaa socdaalka igu wehliya Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, marka waxaan ka bilaabaynaa inaan ogaano sidii ay u dhacday falkii lagu dilay dad rayid ah oo Marka ku sugnaa” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab.

Xildhibaanka ayaa xusay inta ay socdaalka ku joogaan ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qeybaha bulshada, iyadoo la filayo in wafdi ka socda Midowga Afrika ay gaaraan Marka.

Goobjoog News