U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Cadaado Oo Aragti Ka Dhiibtay Magacaabista Wasiirada Cusub Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen wasiirada cusub ee Galmudug, kuwaasi oo xalay la magacaabay.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, waxa ay qaarkood sheegeen in ay soo dhaweynayaan wasiiradaan, halka kuwo kale ay sheegeen in xubnahaan aan loo marin magacaabistooda hanaan wanaagsan.

“Madaxweynaha Galmudug waan taageersannahay, waxaan ugu hambalyeeynaynaa wasiiradaan cusub ee ay soo magacaabeen, waxaana leenahay wasiiirada shaqo ayaa idiin hortaalla ee horay u dhaqaaqa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka aragtida dhiibtay.

“Magacaygu waa Shukri Cabdi Nuur, waan soo dhaweyney wasiiradaan, waxaan ugu baaqayaa shacabka Galmudug in aysan dhaliilin wasiiradaan oo ay taageeraan”

“Magacaygu waa C/qaadir Shuuriye, in badan ayaan sugeynay waana soo dhaweyneynaa, dadka hamiga ka lahaa in xil wasiir uu helo waxaan leenahay iska sabra oo walaalihiin kale ayaa idiin helay”

Guuleed Barre Ciise isna waxa uu ka mid yahay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado, waxa uu sheegay in aysan u muuqan ahmiyad ballaaran oo ay leeyihiin wasiiradaan cusub, waxaana uu tilmaamay in xubnaha laga dhigay wasiirada lagu degdegay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa magacaabay 24-wasiir, 24 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 4 wasiiru dowleyaal.

Goobjoog News