U bood dhigaalka

Shir Looga Soo Horjeedo Mooshinka Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Sheeko:Dalka

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ka dhacay shir ballaaran oo looga soo horjeeday mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay keeneen xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankaan waxaa isugu tagay Odayaal dhaqameed, Haween, Dhalinyaro, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ku dheeraaday ka hadalka mooshinkaan.

Qaar ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mooshinkaan uu yahay mid aan ku socon wadadii saxda ahayd, loona baahan yahay in degdeg ay xildhibaanada uga laabtaan.

Hadaba markii uu shirkaasi dhamaaday ayaa dhammaan xubnihii ka qeybgalay waxa ay soo saareen qodobadan.

  • Waxaan kasoo horjeednaa Mooshinka Madaxweynaha
  • Mooshinkaan oo aan u aragno inuu yahay mid keenaya burbur iyo carqalad siyaasadeed iyo dib u dhac
  • Waxaan ugu baaqaynaa xildhibaanada Baarlamaanka inay ka tanaasulaan mooshinkaasi
  • Anagoo ah xubnaha soo saaray bayaankaan, waxaan umadda Soomaaliyeed u cadeynayaa inaan raali ka ahayn

Xildhibaanno ka badan 90 ayaa mooshin waxa ay ka keeneen madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeeyay inuu hareer maray Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News