U bood dhigaalka

Aqoonyahanada Mudug Oo Ka Digay Mooshinka Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku sugan gobalka Mudug ayaa ka digay mooshinka laga keenay madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Aqoonyahan Maxamuud Faarax Cartan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in mooshinkaan aysan marnaba ku qanacsaneen, xildhibaanadana looga baahan yahay in ay dib u eegaan.

Waxa uu tilmaamay Cartan in hadda la hiigsanayay 2016-ka si isbedal ballaaran loo keeno, balse uu sheegay in taasi ay dhabar jab ku noqon doonto mooshinkaan.

“Waxaan leeyahay xildhibaanada mooshinkaan joojiya, dalka waxa uu u baahan yahay in laga saaro xaaladda uu ku sugan yahay, ma ahan in hadda madaxweynihii la rido, 2016-ka shacabka waxa ay sugayeen isbedal, sidaa awgeed waxaan leenahay xildhibaanno annaga waxaan idiin haynaa qalin, wanaag iyo xumaan waan idiin qori donnaa” ayuu yiri Maxamuud Faarax.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya tiro ahaanna ka badan 90 ayaa mooshin waxa ay ka gudbiyeen madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeeyay ku xadgudubka Dastuurka Dalka u yaalla.

Goobjoog News