U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo Ka Hadashay Xawaaladaha Soomaalida

Sheeko:Dalka

Wafti ka socda wasaaradda maaliyadda iyo khasnadda dhexe ee dowladda Maraykanka ayaa booqdey magaalada ay Soomaalida ku badantahay ee dalkaasi ee Minneapolis halkaasi oo ay la kulmeen jaaliyadda Soomaalida iyo mas’uuliyiinta xawaaladaha kala duwan.

Socdaalkani ayaa waxaa qabanqaabiyey xildhibaanka aqalka Congress-ka Maraykanka laga soo doorto ee Keith Alison kaasi oo si weyn ugu ololeynaya in xawaaladaha Soomaalida culeyska laga dhaafo.

Mas’uul u hadlay waftiga ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin in wali xawaaladaha Soomaalida ay shaqeeyaan, inkasta oo uu culeys jiro.

Khasnadda dhexe ee dowladda Maraykanka mas’uuliyiinta ka socota ayaa sheegey in ay bangiyada u sheegeen in ay ka ganacsan karaan meelaha halistooda aad u badantahay sida xawaaladaha oo kale illaa inta ay heystaan shuruuc wanaagsan oo ay kaga hor tagaan in dambiyo lagu galo lacagaha la kala dirayo.

Waftiga ayaa kulamada halkiisa kasii wadaya si ay u fahmaan muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta waxa ay qireen in nidaamka xawaaladaha uu kor u qaadayo dhaqaalaha Maraykanka iyo waddamada kale ee loo xawilayo, taasi oo ah arrin yididiilo leh.

Goobjoog News