U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmaya Madaxda Isku Tagga Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, waxaana maanta u bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.