U bood dhigaalka

Xildhibaan Jeesow “Shabaabkii Laga Saaray Degmooyinka Hiiraan, Baladweyne Ayeey Kusoo Qulqulayaan”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Baladweyne ayaa sheegay in magaaladaasi ay ku qulqulayaan rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in markii Xarakada Al-shabaab laga qabsaday deegaanadii ay gobalka Hiiraan kaga sugnaayeen, ay markaan soo wada galayaan magaalada Baladweyne, isaga oo ciidamada ammaanka ugu baaqay in howlagal ballaaran ay sameeyaan.

“Waxaan la soconnaa in degmada Baladweyne ay soo gaarayaan Al-shabaab, sababtoo ah meel ay tagaan malahan, magaalada ayeey naf la caari kusoo yihiin, sidaa darteed waa in saraakiisha amniga ay howlgallo sameeyaan” ayuu yiri Jeesow.

Dhinaca kale Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay wasaaradda arimaha gudaha in gurmad degdeg ah la gaarto shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan, gaar ahaan deegaanadii dhawaan lagala wareegay Xarakada Al-shabaab.

Hadalka xildhibaankaan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu ambeeyay falal amni darro laga soo sheegayay magaalada Baladweyne, iyadoo dhawaan magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ah.

Goobjoog News