U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah Ka Wada Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, ka dib markii falal amni darri ah ay degmada kusoo bateen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Afgooye Yuusuf Doo ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay soo qabteen dad looga shakisan yahay in amniga ay dhibaato ku hayeen, kuwaasi oo saldhigga magaalada lagu baarayo.

Howlgalkaan ayuu sheegay gudoomiye ku xigeenka inuu yahay mid ammaanka guud lagu sugayo, islamarkaana aanu ahayn mid leh waqti ama meel gaar ah.

“Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay kuwa aan amniga ku xaqiijineyno, waxaana inoo suurta gashay in aan qabanno dad lala xiriirnayo inay maleegayeen falal amni darri ah” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Howlagaladaan ayaa imaanaya xilli degmada Afgooye ay horay uga dhaceen falal ka dhan ah ammaanka, iyadoo dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen degmadaasi.

Goobjoog News