U bood dhigaalka

Dadka Naafada Ah Ee Ku Nool Magaalada Gaalkacyo Oo Cabanaya

Sheeko:Dalka

Dadka naafadda ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa cabasho ballaaran ka qaba xaalad adag oo dhan nolosha ah.

Qaar ka mid ah Naafadaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in hadda aysan haysan caafimaad, deegaan wanaagsan, waxbarashadii iyo sidoo kale in ay la kulmaan dhibaato dhanka bulshada ah.

Waxa ay tilmaameen hadii aan degdeg gurmad lala soo gaarin ay isugu soo bixi doonaan dibadbax ballaaran oo ay ku muujin doonaan dhibaatada ay qabaan.

“Anaga dhibaato badan ayaa na haysa, cid gurmad noola taagan ma jirto, dowladii aan xuquuqda ku lahayn wey na illowday, caafimaad, hoy, waxbarasho intaba ma hayno, waxaan ku qasbannahay inaan sameenno dibadbax ballaaran oo aan ku muujineyno dhibaatada na haysa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa ugu baaqay maamulka cusub ee Galmudug, dowladda dhexe iyo Hay’adaha gurmadka in il gaar ah lagu soo eego si ay uga baxaan nolosha ay maanta ku jiraan.

Dadka naafada ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin 200, mana helaan daryeel gaar ah.

Goobjoog News