U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Jubbaland Oo Isku Afgartay Dib u Eegis Lagu Sameeyo Baarlamaanka Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu safar ku tagay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha kulamo la yeeshay madaxda maamulka Jubbaland, waxaana laga wada hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamulkaasi.

Wada hadal ka dib ayaa la’isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka dhismaha baarlamaanka Jubbaland oo kal hore diideen xildhibaanada baarlamaanka Federaalka, waxaana lasoo saaray qodobada hoos ku qoran.

1. Maamulka Jubba waxa uu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaanka Jubba, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay

2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubba tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

DHAMAAD

Mawduucyada:Gobollada