U bood dhigaalka

80 Macalimiin oo La Tababarayo Gobolada Dhexe

Sheeko:Dalka

Illaa 80 macalin oo wax ka dhiga dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee gobolada dhexe ayaa loo fidinayaa tababar soconaya muddo 5 bilood ah sida uu dhigayo heshiis maanta qalinka lagu duugey.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixdey jaamacadda Simad iyo hey’adda waxbarashada Iftiin oo maamusha iskuulaad badan oo ku yaala gobolada dhexe.

Waxaa heshiiska SIMAD u saxiixay Daahir Xasan Cabdi, halka Iftiin uu u saxiixay Cabdixafiid Salaad Siyaad.

Gudomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo dhaweeyo jaamacadda bulshada Soomaaliyeed, asagoo intaa ku daray in ay xarumo waxbarasho dhawaan jaamcaddu ka furi doonto gobollo kale.

Gudomiyaha hayadda iftiin Cabdixafiid Salaad Siyaad oo asna hadlay ayaa sheegay in ay fursad wayn u tahay dadka gobolada dhexe in waxbarasho tayo leh loogu geeyo hoygoodi. Waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu taabanayo takhasusaadka xisaabta, physics-ka, biology iyo chemistriga. Waxa uu intaa ku daray in ay rajaynayaan sanadaha soo socda in kulliyaad kale lagu kordhin doono.

Goobjoog News