U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Cadaado Oo Gacanta Ku Dhigay Waxyaabaha Maanka Dooriya Iyo Dhallinyaro Isticmaalaysay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliska magaalada Cadaado ayaa maanta degmadaasi kusoo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhalinyaro Isticmaalaysay.

Maxamuud Jimcaale Cosoble oo ah taliyaha Booliiska Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maandooriyahaan ay kusoo qabteen isaga oo gaari saaran iyo Laba Ruux oo waday, islamarkaana la sheegay inay isticmaalayeen.

Maandooriyahaan ayaa isugu jira Calaq iyo Xashiis, kuwaasi oo saxaafadda la tusay.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid loogu tala galay in lagula dagaallamo wax walba oo maanka dooriya, si aan loogu dhex faafin degmada Cadaado iyo nawaaxigeeda.

Dhinaca kale Taliye Maxamuud Jimcaale ayaa ka warbixiyay Lix nin oo u xiran eedeyn ah inay gabdho kufsadeen, kuwaasi oo xabsiga ku xiran.

Waxa uu sheegay in gabdhaha la kufsaday ay xaalad adag ku sugan yihiin, islamarkaana ragga falkaasi ku dhaqaaqay la baarayo ka dibna cadaaladda la horgeyn doono.

Ugu dambeyn ayaa taliyaha ciidamada Booliiska Galmudug Maxamuud Jimcaale waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado inay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska, ayna soo sheegaan wax walba oo ka shaqeynaya amni xumida magaaladaasi.

Goobjoog News