U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? Tirada Dadka La Diley Bisha Agoosto, 2015

Waa markale iyo qormadeenii billaha ahayd ee aan ku tirakoobeyney dadka sida sharci darada ah loogu diley gudaha Soomaaliya, waxaanan qoraalkani kusoo bandhigeynaa inta soo gaartay Goobjoog News.

Waxaa jira jira dilal kale oo kuwan ka badan oo dalka ka dhacay balse aanan soo gaarin Goobjoog ama aysan xaqiijin karin, waxaana ugu wacan duruufaha dalka ka jira oo dhinacyada dagaalamay aysan sheegin qasaaraha dhacay, dowladdana aysan marnaba bixinin tirakoob ah sax ah ee shacabka la waxyeeley.

Sida aan marar badan sheegneyba qormadani ujeedkeedu ma ahan in cid gaar ah lagu bartilmaameedsado, balse waa diiwaan nool oo quseeya gabood falada shacabka laga galo, si haddii ay timaado cid la xisaabtamaysa ama nidaam caddaalad ah loo horgeyn karo.

Inta hadda diiwaankeena ku jirta waa 190 dhimasho ah, oo 128 ka mid ah ay AMISOM sheegatay in ay ka dishey dagaalyahanada Alshabaab, dhaawaca aan diiwaangaliney waa 35.

Ma jirto ama aad ayay u yartahay cid loo maxkamadeeyey ama loo raacdey dadkaasi tiradaasi la’eg ee la diley mudada bisha gudaheed ah.

Dadka la diley waxaa ku jira ciidamada dowladda, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka hayay dalka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Ka bogasho Wacan

August 3, 2015: Allaha u naxariistee Nabadoon Haybe Cabdi Warsame oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolada Dhexe, ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Buur Saalax Ee Gobolka Mudug. niman dhalinyaro ahaa oo aan haybtoodu la aqoonsan ayaa dilka Nabadoonka u adeegsaday rasaasta nool nool, waxayna dilka ka dib ka baxsadeen halkii ay ku dileen.

August 3, 2015: Kooxo hubaysan ayaa la sheegayaa inay dileen guddoomiyihii deegaanka Jiidda Jannaale oo hoostagta  Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyihii deegaanka Jiidda Jannaale oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Ibraahin Sheikh Cali, ayaa lagu dilay gurigiisa, kadib markii kooxaha hubaysan ay ku soo weerareen aqalkiisa xilli uu halkaasi ku sugnaa.

Dilkan loo geystay Guddoomiyihii deegaanka Jiidda Jannaale, ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay C/fataax Xaaji Cabdulle oo ah Guddoomiyaha dhanka Maaliyada Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose

August 4, 2015: Kooxo hubaysan ayaa degmada Xamar Jajab ee Banaadir ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobay u qaabilsan oo lagu magacaabo Mine Action.

Dilka Sarkaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay Waaxda Gaheyr ee Degmada Xamar Jajab sida Warbaahinta uu u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore. Sargaalka ayaa magaciisa lagu soo koobay Aweys.

August 7, 2015: Nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa ku geeriyooday walxaha qarxa oo uu isku xiraayay si uu isugu miidaamiiyo,waxaana amuurtaan ay ka dhacday Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Ninkaan qarxay oo 17-sano jir ah ayaa la sheegay inuu doonaayay Ismiidaamin fuliyo,

August 8, 2015: Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayayaa la sheegey in gobolka Hiiraan ay ku dileen Lix qof oo shacab, gaar ahaan duleedka magaalada Halgan.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan Mustaf Xorow Nuur oo wareysi siiyay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabkaan ay saarnaayeen gaari yar, islamarkaana ay ku socdeen waddo aan laamiga ahayn, iyadoo markii lagu amray in gaadiidka ay istaajiyaan ay isku dayeen in ay dib u laabtaan balse rasaas lagu furay, Dhaawaca waxaa la sheegay ilaa lix qof.

August 8, 2015: 3 Qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen dagaal beeleed ka dhacay magaalada Marka ee Shabeelaha Hoose

August 9, 2015: Wiil 11 jir ah ayaa ku dhintay, halka afar kalena ku dhaawacmeen, kadib rabshad ka dhacday magaalada Hargeysa, iyadoo ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen dhalinyaro dhagax ku tuuray.

Rabshadan ayaa ka bilaabatay muran la xiriira dhul, iyadoo ciidamada booliska oo goobta gaaray ay hal ruux xabsiga dhigeen, waxaana kadib bilowday isku dhac dhex maray booliska iyo dhalinyaro

August 10, 2015: Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino, kaasi oo sababay Khaasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad shacab ah.Goob Maqaaxi ah oo dadka isugu yimaadaan , waxaana la sheegay in qaraxaan uu ka dhex dhacay, iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen Afar Qof.

August 11, 2015: Taliyaha qeybta afaraad ee Ciidamada AMISOM Col. C/raxmaan Dhimbis ayaa sheegay in howl galada ay ka wadeen Gobolka Hiiraan ay ku dileen illaa 98 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howl galka ay ka wadaan gobolka ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Buq-Aqable, Halgan, Moqokori iyo deegaano kale oo dagaalyahanada Shabaab ku sugnaayeen

August 11, 2015: Nin askari ah ayaa xili barqonimo ah toogtay taliyaha aagga galbeed ee milateriga Somaliland, gashaanle sare Xasan Caqli iyo xiddigle Faarax Carraale.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa BBC-da u xaqiijiyay toogashadaasi.

Wuxuu guddoomiyuhu sheegay gaashaanle sare Xasan Caqli uu qabo dhaawac helis ah, haatana lagu daaweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Boorama, halka xiddigle Faarax Carraale uu goobta ku geeriyooday.

August 11, 2015: Qarax ayaa goor habeen ah ka dhacay Jaamacadda SIMAD, lama oga qasaaraha

August 12, 2015: Gawaarida AMISOM ayaa jiirey qof rayid ah oo lagu magacaabo Cabdiwali Abuukar Cabdulle oo 25 jir ahaa, kaasi oo watay mooto, waxayna arrintani ka dhacday magaalada Muqdisho

Guddoomiyha degmada Hodan Axmed Salaad Ibrahim ayaa Goobjoog u sheegay in AMISOM isla todobaadkan ay dardareen nin madaxa loo jiro oo hadda lagu dhabiibato Isbitaal Madiina.

August 13, 2015: Wararka laga helayo deegaanka Golweyn ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dil loo geystay ganacsade caan ah oo la sheegay in aad looga yaqaanay deegaanka Buulomareer ee gobalkaasi.

Ganacsadahaan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gallad ayaa wararku waxay sheegayaan in ay dileen rag hubeysan xilli uu safar ahaa, iyadoo dilkiisana loo sababaayay aano qabiil oo deegaanadaasi ka jirtay.

August 15, 2015: Rag hubaysan ayaa Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen Gabar dhalinyaro ah, xilli saaka ay ku wajahneyd goobteeda shaqada.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmada Wadajir, waxaana ragga hubaysan ay rasaas la dhaceen gabar magaceeda lagu sheegay Raxma Maxamed Cabdiqaadir oo la sheegay inay ka mid aheyd shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.

August 16, 2015: Mid ka mid ah darawalada ka hawlgasha Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, xilli uu ka cararaayay bixinta dhowr kun oo shilin Soomaali ah.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Jiis, ayaa dhegaha ka fureysay amar ay siiyen Ciidamada Militariga ee ku sugan Deegaanka Cabdow Dibile, iyadoo sida caadada ah ay lacagaha sharci darada ah ka wada qaadaan gaadiidka, mana jirto cid amuurtaasi iska xil saartay wax ka qabashadeeda.

August 16, 2015: Ilmo 9 jir ah ayaa ku dhintey, 3 kale oo la dhashayna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxay sheey ay ku ciyaarayeen deegaanka Samade ee gobolka Mudug

August 18, 2015: Ciidanka Dowladda iyo kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa howl gal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ku dilay ku dhawaad 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal. Sida ay sheegeen saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM. Howl-galadan ayaa ka dhacay dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan.

August 20, 2015: Wararka ka imaanaya Degaanka Buula-Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay Guddoomiye Ku xigeenkii Buula-Mareer Xaaji C/qaadir Sheekh Xuseen xili uu ku sugnaa Gurigiisa.

August 22, 2015: Weerar ismiidaamin ah ayay rag ka tirsan Alshabaab ku qaaden xero lagu tababarayay ciidamada xoogga dalka oo ku taala magaalada Kismaayo, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi ay ku dhinteen illaa 14 askartii ah. Dhawr iyo labaatan kale ayaa ku dhaawacantay.

August 22, 2015: in ka badan 5 qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow hoteelkii hore ee Jubba, magaalada Muqdisho.

August 23, 2015: Kooxda hubeysan ayaa wiil Arday ahaa ku dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

Wiilka Dhalinyarada ah ee la dilay, ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Macalin Qaasim, wuxuuna ka mid ahaa Ururka Dhalinyarada Degmada Hodan.

August 26, 2015:Waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu dilay Nabadoon Cumar Sheekh Cabdi Ra’iis (Cumar Gardheere), oo laga garanaayay Magaalada Baladweyne.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Nabadoonka ku dileen xaafadda Hawlwadaag, gaar ahaan meel ku dhow Buundada Liiliiqato, oo isku xirta labada qaybood ee Magaalada.

Raggan, ayaa waxay si boobsiis ah ay dhowr xabadood ugu dhufteen Nabadoonka, waxayna daqiiqado gudahood ay kaga baxsadeen halkii ay ku dileen. Dilku wuxuu u muuqday mid qorsheysan.

August 29, 2015: Kooxo hubaysan ayaa goor habeen ah lagu dilay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, Haweeneydan ayaa ahayd guddoomiye waaxeed Degmada Xamar Jajab.

Ragga hubeysan ayaa beegsaday haweenayda, waxaana rasaas ay la dhaceen ay sababtay inuu dhaawac culus soo gaaro haweenaydaasi, iyadoo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawicii cuslaa ee soo gaaray.

Siciido Sheekh Mursal, ayaa lagu magacaabi jiray haweenayda Guddoomiye Waaxeedka ka aheyd Degmada Xamar jajab lagu diley.

August 30, 2015: Qarax ayaa ka dhacay Garoowe: Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gaari yar oo yaallay wadada dhinaceeda, wuxuuna yaallay gaariga Suuq Inji halka loo yaqaan, meel ku dhaw mehrada Xalwo Kismaayo.

Saddex ruux ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa Dhalinyaro wadada dhinaceeda mareysay xilliga Baabuurkaan Bambada ay kasoo dhacday.

August 31, 2015: Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Meydadka Seddax oo dhalinyaro ah isla markaana rasaad ka muuqatay.

Dad ku sugan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay arkeen Meydadkaan oo meel waddo ah yaalla.

Goobjoog News