U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Mahadaay Oo Saacado Badan Ka Dib Helay Biyo Ay Cabaan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi ay dib u heleen Biyo ay cabaan, ka dib 36 saacadood oo Biyo la’aan ahaayeen dadkaasi.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Saalax Fulaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in guud ahaan la xalliyay khilaaf keenay in shacabka degmada ay biyo la’aan noqdaan, ka dib shaqsi hubeysan markii uu rasaas ku furay ceelkii biyaha ay dadka ka cabi jireen.

Waxaa la sheegay in rasaastaasi ay waxyeello gaarsiisay haantii Biyaha lagu keydin jiray iyo Bamkii soo saarayay Biyaha.

“Waa la xalliyay wax walba oo taagnaa, dadka biyo la’aan ayeey ahaayeen 36-saacadood, hase ahaatee wixii halaabayay waa la sameeyay, biyahana dadku wey cabayaan, waxaa intaasi sii dheer in ay xiran yihiin dadkii sababta u ahaa in ceelka uu xirmo iyo shaqsigii rasaasta furay, balse waa la’is fahmay wax walbana waa la dhameeyay, dadka xiranna maalmaha soo aadan ayaa xurriyadooda dib loogu celin doonaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Degmada Mahadaay waxaa ku yaalla Hal Ceel-biyood oo kaliya, waxaana biyo ka qaata guud ahaan shacabka halkaasi ku dhaqan.

Goobjoog News