U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Faarujiyay Degaanno Ka Mid Ah Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka mid ah ay baneeyeen deegaanno ay kaga sugnaayeen gobalka Gedo.

Deegaanadaan oo u dhaxeeyay degmooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo ayaa la sheegay in mar qura ay ciidankaasi ka ruqaansadeen.

Dadka deegaanadaasi ku dhaqan qaarkood ayaa inoo sheegay in ciidamadaan ay markii hore ka baxeen deegaanka Tuulo Barwaaqo oo saldhig weyn ku lahaayeen.

Ciidamada dowladda ayaa aaday dhanka degmada Baladxaawo, iyadoo kuwa Itoobiya ay aadeen dhanka degmada Garbahaarey.

Deegaanadaan ay ciidamadaan ka baxeen ayaa ka mid ah kuwo dhawaan Al-shabaab dagaal looga qabsaday.

Sidoo kale deegaanadaan ayaa markii la qabanayay waxaa ku dhintay mas’uuliyiin sare oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenkii Baladxaawo iyo sidoo kale taliyahii Booliiska Luuq.

Lama oga sababta ka dambeysay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay farujiyaan deegaanadaan ka tirsan gobalka Gedo, waxaana xiriir la sameennay saraakiisha dowladda ee gobalkaasi si faah faahin dheeraad ah uga helno, hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen.

Goobjoog News