U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka Oo Tababartay Cutub Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta tababar u soo xirey Cutubkii labaad ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya oo laylis ciidan ah loona tabobarayay Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaas oo tabobartay dawladda Emiraadka Carabta. Waxana Munaasabadda xiritaanka tababarka oo lagu qabtay xero Agoon ka qeyb galay Xubno ka socday labada gole ee Dawladda iyo Saraakiisha Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa sheegay Ciidamadani in ay kaalin wax ku ool ah ka geysan doonaan dhismaha Ciidan qaran ee huffan oo dheeli tiran, isla markaana ku shaqeynaya wadaniyad, wuxuna mahadcelin u jeediyey dawladda Imaaraadka Carabta ee iyadu tababarka bixisay.

“Tabobarkaan iyo soo xiritaankiisu waxay qayb ka yihiin, dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas raaciyey Dawladda Soomaaliya muhiimadda koowaad in ay siinayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeyana ka baxsan eex iyo cid gooni ah.

Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa xusay in dowladda Imaaraadku mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya gaar ahaan ciidanka Qalabka sida tababar iyo taakuleyn joogto ah. Isagoo mahad balaaran u jeediyay Dawladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad shacabka Soomaaliyeed u adeegtaaan oo aad difaacdaan isla markaana aad dhowrtaan xaquuqda shacabka oo aanan lagu xadgudbin. Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gataan waajibaadka qaran ee ay u igman yihiin”” ayuu yiri Wasiir Diini.

_MG_8355 _MG_8367 _MG_8375 _MG_8392 _MG_8402 _MG_8423 _MG_8439 _MG_9037 _MG_9074 _MG_9098 _MG_9109 _MG_9194 _MG_9272 IMG_8222 _MG_8300 _MG_8302 _MG_8348