U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Oo Bulshada Gobalkaasi Uga Digay Inay Is Khilaafaan

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan waxa uu uga digay inay is khilaafaan, islamarkaana ay noqdaan kuwo kala aragti qaata.

Mr Afrax oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne xilli uu dib ugu laabtay magaaladaasi ayuu sheegay in ay ka maamul ahaan ku dadaalayaan sidii isbedal ballaaran uu u gaari lahaa gobalkaasi.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho markii uu saxiixayay maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan uu kusoo saxiixay kalsooni uu ka haysto shacabka gobalka, loona baahan yahay inay iska ilaaliyaan khilaaf ama wax la mid ah.

Dhinaca kale gudoomiye Afrax ayaa sheegay in isbedallada ka jira magaalada Baladweyne iyo ammaanka aanay ku imaan meel la’iska fadhiyay, balse lagu bixiyay dadaal ay bixiyeen maamulka iyo shacabka oo is kaashanaya.

Goobjoog News