U bood dhigaalka

Puntland oo Qandaraas Shidaal Baaris u Saxiixdey Shirkad Cusub

Sheeko:Dalka

Wakaaladda batroolka iyo macdanta ee Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PPMA ayaa qandaraas la saxiixatay shirkadda shidaal baaris oo laga leeyahay dalka Maraykanka , taasi oo lagu magacaabo ION Geophysical Corporation.

Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda ay shidaal baaris ka samayso badda gunteeda , wuxuuna heshiiskani la midyahay kan lala galay shirkadda SOMA Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Ingiriiska, taasi oo heshiiskeeda uu muran badan dhaliyey.

Illaa 8,000 km oo isku wareeg ah oo dhanka badda ayay ION shidaalka ka baaraysaa dhanka badda, waxaana daba socon doona shati shirkaddani ay shidaalka kusoo qodi doonto haddii wax laga helo meesha.

Illaa 25 ceel ayaa u asteysan shirkadani, kuwaasi oo ku kala faahsan dhul badeedka Puntland ay xukunta oo dhan 180,00km oo isku wareeg ah.

Dr. Ciise Faarax oo ah agaasimaha wakaaladda shidaalka iyo macdanta Puntland ayaa yiri “Arrintani waa mid taariikhi ah xagga horumarinta sahanka shidaalka iyo gaaska, waxayna Puntland ku faraxsantahay in ay shaaciso in ceelashani yihiin kuwa u furan shirkadaha kale in ay qandaraas nala galaan”.

Joe Gagliardi waa madaxweyne ku xigeenka shirkadda ION , wuxuu yiri “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan wakaaladda ka caawino in aan calaamadino ceelashada shidaalka” ayuu yiri .

Heshiiskani oo aysan ka warheynin dowladda federaalka ayay horey waxa ay wasaaradda batroolka u sheegtey in aysan aqbali doonin wax heshiis ah oo ay maamul goboleedyada la galeen shirkado shisheeye ogaansho la’aantooda.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Shidaal