U bood dhigaalka

Lacag Shilin Soomaali Cusub Ah Oo Soo Gashay Suuqyada Garoowe

Sheeko:Dalka

Suuqayada magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa si rasmi ah loogu arkay lacago cusub oo shilin Soomaali ah, ka dib markii amarka sameynta lacagataasi uu horay u bixiyay sida la sheegay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Makiiinadda sameysa lacagtaan oo ku dhex taalla bankiga dhexe ee magaalada Garoowe, iyadoona Cabdiweli Gaas uu horay u sheegay in lacagtaasi lagu bixin doono mushaaraadka ciidamada.

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay lacagtaan cusub ee soo gashay suuqyada magaaladaasi, iyo waxa laga faa’idi karo.

Qaarkood dadkaan ayaa tilmaamay in lacagtaan ay keeni doonto sarakac ballaaran oo dhanka sarifka lacagta qalaad ah iyo sidoo kale qiimaha la kala siisto raashiinka iyo gacansiga kale intaba.

Ganacsatada qaar ayaa qaba in lacagtaan ay tahay faa’ido aad u muhiim ah, islamarkaana dadka u shaqeeya maamulka ay heli doonaan mushaaraad joogta, dhaqaale badanna uu soo galayo deegaanada Puntland.

Baarlamaanka Puntland lama horgeyn lacagtaan, sidoo kalena ma jirto wax hadal ah oo ay ka yiraahdeen mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Lacagtaan ayaa ah Kunka shilin Soomaaliga oo cusub, waxaana laga yaabaa in isbedal dhaqaale iyo sicir barar xoogan u keento deegaanada maamulkaasi ka taliyo sidii horay u dhacday oo kale.

Markii ugu horeysay oo Puntland lacag ay daabacdo waxaa sameeyay maamulkii uu hogaaminayay Maxamuud Muuse Xirsi (Jeneraal Cadde), waxaana lacagtaasi ay dalka oo dhan u keentay sicir barar aad u xooggan.

Goobjoog News