U bood dhigaalka

Xildhibaan Mataan “Xildhibaanada Mooshinka Wada Ayaa u Baahan In Iyaga Lala Xisaabtamo”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News, waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay soo jeedintii ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka ee ay ku diidanyihiin mooshinka madaxweyne Xasan Sheekh laga keenay.

Ugu horeen waxa uu sheegay in gudoomiyaha uu qabtay soo jeedintoodii, islamarkaana wixii jawaab ah isaga laga sugayo, isaga oo tilmaamay in wax walba oo mooshinkaasi lagu laalayo ay ku cadeeyeen qoraalkooda.

“Soo jeedintii 126-da xildhibaan ee lagu laalayay mooshinkii looga been abuurtay madaxweynaha gudoomiyaha ayaa qabtay, marka uu  gudoomiyaha wax la wareegana sharci ma ahan ama wey tahay lama dhahayo, jawaabtiisa isaga ayaa laga rabaa, anaga wax walbo waan ku cadeynay qoraalkeena” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh waxa ay sheegeen in qoraalka ay xubnahaan gudbiyeen aanu sharci ahayn, sidaa darteed waxa aynu weydiinnay xildhibaan Mataan in dhankooda ay cadaadis ku saari doonaan arrintaasi gudoomiyaha Baarlamaanka.

“Walaahi gudoomiyaha isaga ayaa laga rabaa maxaa yeelay sharciga cid ka weyn ma jirto, cid sharciga ku xad gudbi karta malahan, waxaan sharci ahayn hadii gudoomiyaha loo geeyo isaga ayaa la rabaa inuu yiraahdo waxaan sharci ma ahan, mooshinkii horay madaxweynaha laga gudbiyay qodobo badan aan sharci ahayn ayaa ku qoran, Xildhibaanno badan oo laga been abuurtay ka mid yihiin, kuwo mooshinka ka baxay oo hadana iyagana laga been abuurtay ka mid yihiin, qof dhintay isagana uu ka mid yahay, qofka dhintay lama cadeyn karo xilliga uu saxiixay ma markii uu noolaa mise, xaqna ma ahan in nin dhintay magaciisa tirada lagu saxiixo, wax walbana xaqiijin bay u baahan tahay, 93-dii xildhibaan ee warqadda ay ku qoreen waxa laga rabo waa in dadkii oo nool ay keenaan, oo qof walbana leeyahay mooshinkaan baan taageersanahay, anaa saxiixay waana difaacayaa ee ma ahan in warqado la’iska gudbiyo”

Xildhibaan Mataan ayaan sidoo kale weydiinnay in dhankooda ay wada joogaan mudanayaasha geeyay warqadda soo jeedinta ah, mar hadii uu sheegay in xildhibaanada mooshinka ay ka been abuurteen tiradooda.

“Anaga 126-da xildhibaan hadii cadeyn loo baahdo miiska ayaan soo saari karnaa waana wax la ogyahay, magaalada ayeey joogaan, waana la’arki doonaa, mid qarsoonna ma ahan, mooshinkaan iyo soo jeedinteena ma ahan mid wax lagu diminaayo ee waa mid wax lagu saxaayo, qofka waxa uu been abuuran karaa markii uu wax dumis u baahan yahay oo been badan uu sheeganayo, laakiinse anaga keena waa mid aan wax badan ku saxeyno, dhammaan 126-da xildhibaanna waa kuwo Goobjoog ah, waana la arki karaa”

“Moshiinkaan sidiisaba si baarlamaanka lagu geyn karo ma jirto, kuwii hore ee Ra’iisul wasaarayaasha waa ka duwan yahay waa eedeyn madaxweyne, Madaxweyne eedeyntiisa waxay u baahan tahay Maxkamadda Dastuuriga, waxa lagu soo eedeeyay qof lagu eedeyn karana waa sharciga in la geeyo, hadii aysan dhisneen maxakamadda Dastuuri ah ma jirto maxkamad isku duba dhacsan oo eedeyntaasi qaban karto, mooshinkaasina lama geyn karo baarlamaanka, waxyaabo badan buu u baahan yahay sida sharciyadda, waxa uu u baahan yahay in laga fiirsado, qodob qodob in runtii sharciyadiisa loo fiiriyo buu u baahan yahay, marka ma ahan mid lagu degdegi karo, ama la dhihi karo baarlamaanka hala geeyo, midaas iyadana waxaan ku cadeynay soo jeedinta aan guddoonka u gudbinnay”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in loo hanjabay isaga iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana xildhibaan Mataan weydiinnay waxa ka jira eedeyntaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku sheegay hadalkaasi.

“Gudoomiye Baarlamaan cid u hanjabtay ma jirto, gudoomiyaha waa gudoomiyahii aan annaga doorannay, waa gudoomiyaheenii, waa shir gudoonkayagii, xaq waxa uu u leeyahay talo inaan siinno, oo wax walba wey naga dhaxeeyaan oo mas’uuliyiin baan wada nahay, cidda kaliya ee wax dumineysa ee barasheerka ku haysa gudoomiyaha waa iyaga, anaga qof aan difaacayno ma jirto, laakiin in ay wax burburaan baan kasoo horjeednaa, waqtigeeda munaasabka ahna aan la joogin, gudoomiyaha waxa uu xaq u leeyahay inuu xildhibaanada la tashto, inkastoo mar walbaa markii wax qaldan gudoomiyaha loo soo gudbiyo hadana culeys lagu saaro, waxaan leeyahay cidda gudoomiyaha culeyska ku hayso waa kuwa doonaya inay wax dumiyeen, anagase wax culeys ah kuma hayno gudoomiyaha waayo innaga ayaa dooranaya”

“Gudoomiyaha Baarlamaanka cadeyn aan u hayno inay cid u hanjabto ma jirto, laakiinse isaga ayaa laga rabaa inuu keeno cadeyntaasi iyo cidda u hanjabtay, waa mas’uul qaran, hadii ay jirtana aad baan uga xunnahay, in gudoomiyaha baarlamaanka loo hanjabo, maxaa yelay waxa uu baarlamaankaasi go’alahaas ayuu gudoomiyaha gudoomiyaa, laakiin aniga hadda runtii cid hadda gudoomiyaha u hanjabtay waxaan is dhihi karaa cidda mooshinka wadatay ee rabta siday rabaan inay wax u noqdaan baa laga yaabaa in hanjabaad ay dhankooda ka timaado, xubnaha kasoo horjeedo uma hanjabayaan gudoomiyaha, talo ayaan siin karnaa laakiinse wax kale kuma lihin, cadeyn waxaa laga rabaa inuu banaanka keeno, ma ahan waxyaabo been abuur in Idaacadaha laga sheego, cid walba oo shegto in gudoomiyaha loo hanjabay iyaga ayaa laga rabaa inay miiska soo saaraan, aysan noqon qof baa loo hanjabay, waana ka xunnahay in laga been abuurto xildhibaanada” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan Mataan

Sidoo kale xildhibaanka ayaa hor dhignay su’aal ku saabsan waxa uu ka qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka in isaga oo mooshin yaallo, hadana la geeyo mid kale oo kii hore lagu laalayo.

“Waxa hadii sharci ahaantiisa uu tuhun ku jiro xildhibaanada kale xaq bay u leeyihiin inay soo jeedin sameeyaan, qodobada mooshinka eedeynta warqadda lagu soo qoray qodobo sharciga ka horimaanayo iyo sida mooshinka ku noqon karin in xildhibaanada cadeeyaan xaq bay u leeyihiin, maxaa yeelay 93 xildhibaan oo banaanka taagan oo dhahaysa madaxweynaha annaga ayaa mooshinkaasi wadanna, magacyadeena meeshaan ayeey ku qoran yihiin, anagaa difaacayna ma jiro, aniga ayaana xaqiijin karo taasi inaysan jirin, waxaana kuu cadeynaa inay jirto xildhibaanno dalka ka maqan oo magacyadooda ay meesha ku qoran yihiin, laakiin anaga dhankeena waxaasi ma jiraan, qof walba waxaa looga baahan yahay xaqiijin, waxaa jirta xildhibaanno saxiixyadoodii laga been abuurtay, waxaa jirta xildhibaanno saxiixay mooshinka, laakiinse ka baxay oo dib abaabul inta loo sameeyay warqadihii lasoo uruursaday, lagana dhigay mooshin”

Ugu dambeyn xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan ayaan su’aalnay waxa ku jaban in lala xisaabtamo madaxweynaha iyo sidoo kale culeyska u muuqda ka xildhibaanno ahaan.

“Madaxweynaha waa lala xisaabtami karaa, xaq buu u leeyahay in lala xisaabtamo, laakiin waxaa la xisaabtami kara qof u baahan in isaga la xisaabiyo, mooshinka waxaa ka mid ah golahii wasiirada ee xukuumadii hore ee lagu soo eedeeyay isdaba marin badan, qaladaad badan inay sameeyeen lagu soo eedeeyay oo baarlamaanka hortiisa xeer ilaaliyaha usoo gudbiyay, marka qof naftiisa u baahan in la saxo, isaga waxba ma sixi karo ayagaana u baahan in lala xisaabtamo”

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, tiradoodana ku sheegay 93 ayaa mooshin ka dhan madaxweynaha u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka, waxaana jira in xildhibaanno kale oo kasoo horjeeda mooshinkaasi ay isla guddonka u gudbiyeen warqad ay ku saxiixan yihiin 126 mudane oo ah soo jeedin lagu laalayo mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa Qoray Wareysigaan: Maxamed Abukar Kulmiye

E-mail: [email protected]

Goobjoog News