U bood dhigaalka

Feyras-ka WhatsApp oo Malaayiin Macaamiisha ah Saameyn doona.

Haddii aad ka mid ah dadka isticmaala WhatsApp, waxaa ku soo food-saari doonta arin la yaab leh, waa dhici doonta in weerar lagu soo qaado Faylasha iyo Datada kuugu jirta Barta WhatsApp-ka, hadaba sida looga hortago si fiican u dhageyso.

Fayraska cusub ayaa soo baxay kaas oo dhibaato ku ah dadka Isticmaala WhatsApp.

Macaamiisha WhatsApp oo hadda gaaraya ilaa 200 oo Milyan ayaa dhibaato ku qabi doona Feyras cusub sida ay sheegtay shirkadda Check Point .

Feyras-kan cusub ayaa ku soo diraya Softwere kadibna waxaa ay la wareegayaan Filashaada, si aad dib ugu hesho waxaa lagu weydiinayaa Lacag.

Shirkadda  WhatsApp oo arintan loo sheegay bishii hore iyagoo la sheegay in ay balan qaaday in arintaas wax ka qaban doonto.

Shirkadda Check Point ayaa dadka ku dhiirigalisay in ay isticmaalaan Softwere ay dhibaatadaas looga hortago.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka sida weyn u isticmaala WhatsApp, waxaa haboo in ay iska jiraan Khatartan laga sheegayo WhatsApp-ka