U bood dhigaalka

Milatariga Kenya Oo Sheegay Inay Dileen Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Militeriga dalka Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in ciidamadooda ka mid ah hawlgalka Amisom ee nabad illaalinta u jooga Soomaaliya ay ka dileen xarakada Al-shabaab 8 dagaalyahan halka intii kalena ay u baxsadeen gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay ka dhicisoobeen weeraro ay la damacsanaayeen ciidamada Kenya.

Afhayeenka militeriga dalka Kenya David Obonyo ayaa  sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Dhamasa oo ka tirsan gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya waxa uuna intaas ku daray in ciidamadu ay halkaas ka heleen qoryo telefanada gacanta iyo raadiye.

“Ciidamadu waxay weerar ku qaadeen Al-shabaab tiradoodu tahay 20 waxaan ka dilnay 3, halka intii kalena ay carareen waxaan ka helnay goobta 2 qori oo AK 47 ah telefanka gacanta iyo raadiye” ayuu ku sheegay afhayeenku warbixin uu kasoo saaray magaalada Nairobi.

Waxaa kale uu sheegay afhayeenku inuu jiro weerar isna ka dhacay deegaanka Taraka ee iyana ku taal koofurta Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in qarax ay Al-shabaab la doonayeen ciidamada Kenya uu fashilmay.

Afhayeenka militeriga Kenya wuxuu sidoo kale sheegay in weeraradii ugu dambeeyey kadib markii ciidamada Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka laga wado Keynta Boni ee ku taala gobolka xeebta leh ee Lamu lagu fashiliyey weerar lala damacsanaa saldhiga ciidamada Kenya ay halkaas ku leeyihiin isagoo weerarkaas ku eedeeyey Al-shabaab.

Waxa uu afhayeenku intaas ku daray in ciidamada Kenya ay weerarkaas uga dileen Al-shabaab 3 dagaalyahan intii uu socday hawlgalka iyadoo ciidamada Kenya ay burburiyeen saldhigyo ku meelgaar ah oo Al-shabab ay kasoo qaadaan weerarada waa sida uu hadalka u dhigaye.

David Obonyo wuxuu sheegay in isku darka ciidamada laga dilay Al-shabaab ay yihiin 8 isagoo aan sheegin waxyeelada ciidamada Kenya kasoo gaaray weeraradaas.

Ugu dambeyn David Obonyo oo ah afhayeenka militeriga dalka Kenya wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah xarakada Alshabab ayna xaqiijin doonaan nabadda iyo ammaanka dalka Kenya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ka midka ah hawlgalka Amisom  ay kasii shaqeyn doonaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen hawlaha nabad illaalin ee Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ee nabad illaalinta u jooga Soomaaliya.

Goobjoog News