U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Amni Sugid Ah Ka Sameeyey Degmada Diinsoor Ee Baay

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaanada ku dhaw.

Gudoomiyaha degmadaasi Ibraahim Shikshigow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen rag badan oo amni darro ka waday degmada Diinsoor iyo Nawaaxigeeda, balse waxa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay qabteen.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay weli sii wadaan dadaallo ay ciidamada ku hananayaan amniga guud ee degmadaasi.

“Ciidamada waxay soo qabteen rag Shabaab ka mid ah, waxay la dagaalameen kuwo kale oo banaanka kore magaalada lagu eryay, illaa hadda waan wadnaa howlgallada” ayuu yiri gudoomiyaha.

Degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa ka mid ah degmooyinka dhawaan ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.

Goobjoog News