U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Ka Digay Sii Socoshada Dagaallada Sool

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wasiiradaha Amniga iyo Gudaha ee maamulka Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dagaalladaasi ay ka dambeeyaan gacmo siyaasadeed, waxaana digniin ay u direen dad ay sheegeen in dagaalladaasi ay sii hurinayaan.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay la socdaan dad kaalin weyn ku leh sii socoshada dagaalladaasi, waxaana uu ku baaqay in laga joogo hurinta colaadaha shacabka dhibaatada ku ah.

“Dhibaato xun ayaa dhacday, waxaan leeyahay, yaan wax kale lagu darin, waxaan u sheegeynaa dadka ku howlan fitnada waan idiin la soconnaa ee faraha kala baxa” ayuu yiri Wasiir Karaash.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dagaallada ka dhacay deegaanka Qorilley ee gobalka Sool, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso in nabadda ay qaataan.

“Waxaan idiin sheegayaa in meel walba oo shaqsi Puntland ah uu joogo ka xun yahay dagaal beeleedkaan, waxaana idiin leeyahay dadkiinaan dagaallamaya nabadda qaata oo waxaad tihiin dad walaalo ah”

Waxaa isa soo taraya baaqyada Nabadeed ee loo jeedinayo beello walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay deegaanka Qoriley ee gobalka Sool, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News